Aabaha Dhalay Najma Cabdillaahi oo Hanjabaad Culus Diray

0
1642

Hargeysa (Hargeisa Press) – Cabdillaahi Maxamed oo ah Aabaha dhalay alle ha u naxariistee Najma Cabdillaahi Maxamed oo xalay lagu dilay magaalada Hargeysa, ayaa waxaa uu si adag uga hadlay dilka gadhiisa.

Najma Cabdillaahi Maykal, ayaa xalay waxaa toogtay Askari ka tirsan ciidamada Milateriga Somaliland iyadoo wadatay gaadhi, xili ay maraysay agagaarka maxkamada oo madaxtooyaduna ka ag dhowdahay.

Abaaha dhalay Najma Cabdillaahi oo warbaahinta la hadlay, ayaa Askariga ku eedeeyay inuu si badheedh ah u dilay inantiisa, isaga oo u hiilinayay walaashii oo ay Najma is afdhaafeen, sidaa darteeda uu u dilay “Walaashii ayay is dileen oo uu u aarayay, hiil ayuu ahaa”.

“Waxa u yimi gaadhi alaab u siday oo waddada ku siinayay, kaddib ninka askariga ah ayaa kaga soo baxay guri  ku yaalla xaafadaha ka soo horjeeda ah. Wuxuu ku yidhi ka dhaqaaq meesha sida laysheegay dabadeedna wuu dhaafay oo waxay ku tidhi, ‘gaadhigan baan alaab ka qaadanayaa” ayuu yidhi Cabdilaahi Maxamed, waxaanu intaas ku daray in iyada iyo walaalayeed ka soo laabteen guriga habaryartood oo ay ku soo ciideen.

Sidoo kale, Abaaha dhalay Najma, ayaa waxaa uu ku hanjabay in aan la aasi doonin inantiisa iyada oo aan la dilin asriga, waxaanu xukuumadda Somaliland ka dalbaday in sharciga la horkeeno Askariga dilay inantiisa.

Askariga gacan ku dhiiglaha ah oo isku dayay inuu baxsado kadib markii uu dilka gaystay, ayaa waxaa gacanta ku dhigay ciidamo ka agdhowaa goobtaasi, waxaanay islamarkiiba ay ku wareejiyeen ciidammada Booliska, kuwaasi oo iyaguna bilaabay baadhitaan ku saabsan dilkan naxdinta leh.

Marxuumad Najma Cabdilaahi oo da’deedu ahayd 22-jir, ayaa ahayd shaqaale ka tirsan Wasaaradda Beeraha ee Somaliland, waxaanay la sheegay in dhawaan la guursaday islamarkaana u diyaar-garoobaysay Aqal-galkooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here