Markii la dilay Madaxweynihi Somalia C/rashiid Cali sharmarke (AHN)1969kii ayaamo ka dib waxa xukunkii gacanta ku dhigay koox sarakiil ah oo uu Hogaaminayay S/G Maxamed Siyaad barre,maalintan waxa loo yaqaan maalinta geerida umadda Somaliya waana maalin madow waxa loo tiriyaa inay tahay maalinta dhashay wax alla waxa dhibaato Somalia ka dhacday ee taagan ilaa manta.
Xukunkii Siyaad barre maalintii uu inqilaab military kula wareegay Dalkii la odhan jiray Somalia isla maalintiiba waxa uu masaxay xisbiyadii dalka ka jiray,waxa la mamnuucay Xorriyaddii hadalka,waxa bilaabmay cabudhin waxa la sameyay ciidamadii (National security Service NSS) iyo Dhabarjebinta waxana la soo saaray Xeer No 54 oo fasaxay in Ciidanka NSS ay qofkay doonan xidhaan bilaa maxkamad oo ay toorjar iyo ciqaab marin karaan,guriga ay doonan baadhi karaan qofkay doonan dili karaan,waxa kaloo la mamnuucay inay dadku shiri karaan ama ay kulmi karaan.
Isla bsihii Oktoobar 1969-kii, maalmo yar kadib markii inqilaabku dhacay Digtaatoor Maxamed Siyaad Barre, waxa uu dadka kala hadlay Idaacadda, waxaannu yidhi; “Waxaannu awoodda kula wareegnay (militariga) sharafkiina iyo magaca ummadda Soomaaliyeed, waxaan idinka codsanaynaa in aad isu soo baxdaan oo aad na taageertaan, dalkiina aad dhistaan, haddii ay tahay maalkiina iyo maskaxdiinaba si aad isaga ilaalisaan in aad baryootantaan.”
Kolkii hore dadku qalbi furan ayay soo dhaweeyeen hase ahatee markiiba waxa la dareemay in Somalia ay qaadday jidkii geerida,1972kii Siyaad barre waxa uu markii ugu horraysay galaaftay Saraakiishii inqilaabka socotay oo ku eedayay inay kacaanka Dabin u maleegayen waxayna kala ahaayen Colonel maxamed Caynanshe,C/qaadir dheel,iyo Salad gabayre.
1975kii ayuu soo saaray Xeerka qoyska wax la yidhaa oo jidaynaya inay ragga iyo dumarkau ka simanyihiin xagga dhaxalka waxa ka horyimi koox Culimo oo sheegay inay xaaraan tahay oo ay ka hor imanayso quraanka kariimka ah Gaar ahaan “Suurat al Nissa”hase yeeshee waa la dilay culimadii isagoo ka hadlaya siyaad barre mar waraysi lala yeeshay wuxu yidhi “Arrintaas Waxan u bandhigay Golaha sare ee kacaanka waxana la isla afgartay inanay nimankaasi cafis mudnayn kolkaas waxay noqotay inaan go’aanka Guddiga fuliyo sidaas ayay noqotay”
1976kii ayuu ku soo shiriyay hoolka kulliyadda Jaalle siyaad la magac baxday markii danbe dad gaadhaya 3000 qof waxa uu kaga dhawaaqay xisbiga Hantiwadaagga kacaanka Somaliyed oo ahaa (X.H.K.S) siyaad barre waxa uu isku dhafay mabda’ii Shuuciga,reer galbeedka,iyo dhaqan Somali waxa uuna ka sameeyay mabda’ aan la aqoon dhinac uu la haysto oo uu ugu magac daray Hantiwadaagga Cilmiga ku dhisan.
1977kii ayuu dagaal ku qaaday Waddanka Ethiopia waxa uu doonayay inuu ku qabsado dhulka Somali galbeed imikana ah DDS ee Ethiopia waxana dagaalkaa ku dhamaaday naf iyo hanti badan waana lagu khasaaray waxana la filayaa inuu ahaa bilowgii burburka Somalia.
1978kii ayay Jabahddii Ugu horraysay Baxday oo ahayd (Somali Salvation Demoqradic Front SSDF)oo ay ka soo jeedsatay dhinaca Ethiopia waxayna dagaallo lagu hoobtay ku soo qaaadday aagga Balanbale iyo Galdogob.
1981kii ayay jabahddii SNM (Somali National Movement) ayaa baxday taas oo dagaallo soconaya 10 sanadood la gashay Ciidamadii Siyaad barre ku dhexmareen Dhinaca Somaliland dagaallo qadhaadh oo lagu hoobtay aakhirkiina keenay inay SNM gacanta ku dhigaan Somaliland 1991kii.
1989kii ayay jabhaddii USC (United Somali Congress) iyo Somali patriotic Movement SPM) iyaguna Xamar iyo koonfur dagaal ku qaadday waxanu siyaad barre isagoo kaare ku jira iyo kolonyo gaadiid ah kaga baxsaday muqdisho sidaas ayuu waddankii Somalia ku burburay 1991kii
Waxa lagu xusuusan doonaa jidkii geerida iyo Hogga Qodxaha badan waxana loo tirinayaa inuu ahaa xukunkaasi kii kala fogeeyay Somalida,ee qof kastaa xaggii u jeeday u dhaqaaqay.
W/Q: Rashiid Odowaa.