“2017-kii Cirro waa kii yidhi dad dhintay baa ka codeeyay Gabiley”…

0
307

Gabiley (HP): Xukuumadda talladda haysa ee Somaliland ayaa  ka jawaabtay hadal uu guddoomiyaha xisbiga Waddani bulshadda Gabiley ugu balan qaaday inuu u ansixin doono gobolnimadda haddii uu ku guulaysto doorashadda madaxtooyadda ee sanadka 2022-ka.

Hadalkan uu wasiirku ka jawaabayay ayaa la xidhiidhay kadib markii todobaadkan guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro), hadal uu ka jeediyay munaasibad loo qabtay xubno isugu jiray dhalinyaro iyo aqoon yahan hore uga tirsanaa xisbiga Kulmiye.

Balse shaaciyay in ay ku soo biireen xisbiga Waddani, isla markaana isaga soo baxeen xisbiga Kulmiye, kuwaasoo xaflad soo dhawayn ah loogu qabtay magaaladda Gabiley uu ka sheegay inuu u ansixin doono gobolnimadda haddii uu ku guulaysto doorashadda madaxtooyadda ee sanadka 2022-ka.

Wasiirka wasaaradda isgaadhsiinta iyo tignoolajiyadda Somaliland oo hadalka C/raxmaan Cirro, ka jawaabayay ayaa ku tilmaamay mid beer-laxawsi ah, isla markaana uu cod kaga doonayo bulshadda Gabiley marka la gaadho doorashadda madaxtooyadda.

C/weli Sheekh C/laahi Suufi, waxa uu sheegay in sanadkii 2017-kii  markii la tirinayay codadkii doorashadii madaxtooyadda in guddoomiye Cirro, uu ku dooday in dad dhintay ay ka codeeyeen magaaladda Gabiley.

Iyadoona ay jirtay in isla xiligaasi xisbiga Waddani loo xanibay dhawr sanduuq oo kumanaan codadka dadka reer Gabiley ahi ay ku jiraan,  kadib markii ay ku doodeen in musuq maasuq lagu sameeyay qaabka codaynta.

Wasiirka isgaadhsiinta iyo tignoolajiyadda Somaliland waxa uu sidan ka sheegay hadal uu ka jeediyay munaasibad uu shalay xilka kula wareegayay guddoomiyaha cusub ee gobolka Gabiley.

Geesta kale wasiir C/laahi Sheekh Suufi, waxa uu sheegay in sanadkii 2017-kii codadkii uu madaxweyne Biixi kaga guulaystay xisbiga Waddani ay ahaayeen  80 kun oo cod, kuwaasoo 40 kun oo codadkaasi ka mid ahaa ay Gabiley ka yimaadeen.

Waxaanu wasiirku mar kale xasuusiyay guddoomiye Cirro, in weli bulshadda reer Gabiley ay yihiin ama taageersan yihiin xisbiga Kulmiye.

DAAWO: Wasiirka Oo Arrimahaasi Ka Hadlaya:

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here