2 Qof oo u Geeriyooday Xannuunka Covid19 iyo 14 Kiis oo Cusub oo la Diiwaangeliyey

0
857

Hargeysa (HargeisaPress)– Masuuliyiinta wasaaradda horumarinta caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa shaaciyay 3 qof oo u geeriyooday iyo 14 kiis oo cusub oo laga helay xannuunka karoona fayras 24 saacadood ee u dambeeyey.

Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, oo warbixintii maalinlaha ahayd la wadaagaya bulshada ayaa ka xogwaramay xaaladihii u dambeeyey ee xannuunka karoona fayras, wuxuuna agaasimuhu cadeeyey in 2 qof u geeriyoodeen, halka 14 kiis oo cusubna laga helay xannuunka koofidh-19, dadkaas oo kala ah 8 rag ah iyo 6 dumar ah, iyadoo da’adoodu ay u dhaxayso 20 jir ilaa 80 jir, dhalasho ahaana dhamaantoodba waa muwaadiniyiin reer Somaliland ah.

Wuxuuna agaasimaha guud ee caafimaadku intaas ku daray in tirada guud ee xannuunkaas laga helay guud ahaan Somaliland ay tahay 217 qof, halka dadka u dhintayna ay yihiin 17 qof, waxana xannuunkaas u jiifa dad tiradoodu dhan tahay 179 qof, iyadoo ay ka bogsadeen xannuunka karoona fayras 21 qof.

Waxa kale, oo Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, uu sheegay in hawlihii iyo dedaaladii wasaaradda caafimaadku ay halkoodii ka socdaan, isla markaana ay hawl wadeenada caafimaadku ku hawlan yihiin la tacaalida xannuunkaas, isagoo bulshadana kula dardaarmay inay ka feejignaadaan khatarta xannuunkaasi sida ba’an u faafaya ee karoona fayras.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here