Danjire Abusite Oo Ku Guulaystay In UAE Ogolaato Shahaadada Somaliland

0
892

Dubai (HP): Wakiilka jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Imaaraadka Carabta, danjire Muniir Xaaji Cabdillaahi Abusite ayaa ku guulaystay inuu dawladda UAE ku qanciyo inay ogolaato shahaadada waxbarashada Somaliland.

Waana markii u horaysay oo ay dawladda Imaaraadka Carabtu ogolaato ama aqoonsato shahaadadda waxbarashadda Somaliland, inkastoo muddo dhawr sanadood uu xidhiidhka Somaliland iyo imaaradku wanaagsanaa.

Wasaaradda waxbarashada ee dalka UAE ayaa todobaadkan bogeeda ku dartay in Somaliland ka mid tahay dalalka ay ogolaatay shahaadadeeda waxbarasho.

Bahda waxbarashadda Somaliland ayaana si weyn u soo dhaweeyay talaabadan oo ay ku sheegeen inay tahay mid kor u qaadaysa niyadda ardayda reer Somaliland.

Wakiil Muniir, ayaa la sheegay in afartii bilood ee u dambeeyay uu hawshan ka shaqaynayay oo uu dedaal u galay inuu dawladda UAE ku qanciyo inay ogolaato shahaadada waxbarasho ee Somaliland.

Geesta kale arrintan ayaa noqonaysa mid yididiilo iyo dhiiri gelin u noqonaysa ardayda reer Somaliland, kuwaasoo fursado waxbarasho dibadeed ugu bixi kara dalka Imaaraadka Carabta.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here