Malmö, (HargeisaPress) — Jaaliyada Somaliland ee Waxa magaaladda Malmö ee dalka sweden ayaa si weyn u xusay sannad guuradii 24 aad ee kasoo wareegtay lasoo noqoshada qaranimada Somaliland.
Xafladdaasi waxay ka dhacday Malmö ee dalka sweden oo ka mid ah magaalooyinka waaweyn ee ku yaala koonfurta dalka Sweden,isla markaasna ah magaalo dadka ku nool ee reer Somaliland ay ku leeyihiin sumcad iyo tixgelin weyn oo ay u hayaan shacbiga magaalada iyo maamulkooduba.
Munaasabaddaas oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay oo ay si weyn isaga xilsaaren Jaaliyada Somaliland ee magaalada Malmö Xafladaas oo isugu jirtay Madadaalo, khudbado taariikhi´, wixii u qabsoomay Somaliland iyo waliba cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka.Waxa sidoo kale kasoo qayb galay madax ka tirsan dawladda Sweden,Wefti uu Hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed Xaglo Toosiye iyo fanaanada weyn ee Maryan Mursal Ciise Bootaan. iyo Fanaaniin kale oo ka kala yimid UK, Norway. sweden
Xafladaas oo aanan halkan kusoo koobi karin sida ay u dhacday waxa aan door biday in aan dul ka xaadis ku sameeyo .Xafladani waxay ahayd tii ugu balaadhneyd e ka dhacda sweden.
Mahad Kadleeye -HargeisaPress, Sweden