“13-kii il-bidhiqsiba qof ayaa u dhinta Oof-warreenka adduunka oo dhan”…

0
474

Hargaysa (Hargeisa Press): Sanad walba 12-ka bisha November oo ku began maalinta berrito ah waxaa wadamo badan oo caalamka ah laga xusaa maalinta xanuunka Oof-wareenka.

Maalintaasi ayaa loo asteeyay si ay dunidda uga istaagto dagaalka ka dhanka ah xanuunka Oof-warreenka, xuska maalintaasi ayaa soo bilaabmay bishii November ee sanadkii 2009-kii.

Saddex iyo tobankii il-bidhiqsiba qof ayaa u dhinta Oof-warreenka, adduunka oo dhan, habka ugu fudud ee looga hor tegi karro xanuunkaasi ayaa ah wacyigelinta, sida ay sheegeen dhakhaatiirta caafimaadku.

Munaasibad lagu xusayay maalintaasi oo hal maalin laga soo hor mariyay loogana hadlayay khatarta iyo kahatarta uu xanuunkaasi ku hayo carruurta ay da’doodu ka yar tahay shanta sanadood ayaa maanta lagu qabtay magaaladda Hargaysa.

Waxaana munaasibadaasi soo qaban qaabisay wasaaradda caafimaadka Somaliland oo kaashanaysa haayadda qaramadda midoobay ee UNICEF, waxaana ka soo qayb galay agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Somaliland, agaasimaha cusbitaalka guud ee magaaladda Hargaysa Dr. Cumar Askar.

Masuuliyiin ka socday haayadaha ay wada shaqaynta leeyihiin wasaaradda caafimaadka oo ay ka mid ahaayeen WHO, UNICEF, iyo agaasime waaxeedyadda wasaaradda caafimaadka Somaliland.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here