“๐——๐—ฒ๐—ธ๐—ฒ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—•๐—ฒ๐—ฟ๐—ฏ๐—ฒ๐—ฟ๐—ฎ waxay ka horumartay dekaddo ku yaalla Geeska Afrika…”

0
910

Nairobi (HP): Dekedda magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, ayaa ka hormartay dekeddo ku yaalla dalalka gobolka Geeska Afrika.

Waxaana dekadahaasi ka mid ah dekadda weyn ee Mombasa ee dalka Kenya sida lagu sheegay qiimayn uu sameeyay Bangiga Adduunka.

Qiimaynta Bangiga Adduunka oo lagu saleeyay xulashada dekeddaha ugu shaqada iyo habmaamulka fiican ee Afrika ayaa waxa guul kasoo hooyay dekeddaha Jabuuti, Berbera iyo Dara Salam oo kaalmaha ugu horeeya galay, halka dekedda Mombasa tartanka lagaga guulaystay.

“Waxaanu ku muteysanay shaqada aanu u qabanay maraakiibta iyo adeega aanu u qabano, sida dejinta, rarista, shaqada aanu qabanay ayaan kaalintaa ku gaadhnay”.

Maareeyaha Dekedda Berbera Siciid Xasan Cabdillaahi ayaa sida BBC Somali u sheegay.

Warbixin ay BBC qortay ayaa lagu sheegay in Dekedda Jabuuti uuni ay ka horayso Dekadda Berbera isla markaana Dekaddaha Port Elizabeth ee Durban iyo Cape Town ay ku sii xigaan, dakaddahan ayaa kusoo baxay qiimaynta lagu sameeyay dekeddaha dalalka saxaraha ka hooseeya.

“Hagaajinta hawl hufnaanta dekeddu waxay lama huraan u tahay furitaanka korriinka iyo horumarka Afrika,” Martin Humphreys, oo ah hoggaamiyaha dhaqaalaha gaadiidka ee Bangiga Adduunka, ayaa sida u sheegay jariirada The East Afrikan.

Dekedda magaalada Berbera ayaa lagu sameeyay horumarin balaadhan iyadoo shirkada dekeddaha ee D.P.world ay malaayiin dollar ku kharashgaraysay horumarinta dekeddan ku taala goobta muhiim ka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here