Gabiley,(HargeisaPress)– Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi wefti uu hoggaaminayey oo ay kamid ahaa Afhayeenka Madaxtooyadda JSL iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda, ayaa maanta si ballaadhan loogu soo dhaweeyey magaalo madaxda gobolka Gabiley ee Gabiley.
Qaybaha kala duwan ee shacabka ku dhaqan magaalada Gabiley oo ay hormuud u yihiin maamulka gobolka, ka degmada, madax-dhaqameedka, siyaasiyiinta, aqoonyahanka, dhallinyarada iyo haweenku, islamarkaana lulaya caleemo qoyan iyo calanka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa Madaxweyne ku-xigeenka JSL iyo weftigiisa kaga hortegay Kaantaroolka Barri ee magaalada Gabiley, waxana ay usoo galbiyeen dhinaca gudaha magaalada.
Madaxweyne ku-xigeenka JSL iyo weftigiisa, ayaa socod dheer oo lug ah ku maray jidka wadnaha ee magaalada Gabiley, halkaas oo ay tubnaayeen kumannaan katirsan shacabka reer Gabiley oo dareen waddaniyadi ku dheehan tahay ku soo dhaweeyey madaxweynaha, kuwaas oo ay wejiyadooda ka muuqatay farxad iyo rayn-rayni.
Ugu horeyn Guddoomiyaha Gobolka Gabiley iyo xubno kale oo maddasha ka hadlay ayaa u mahad-naqay bulshada reer Gabiley,waxaanay ku booriyeen in nabada la ilaaliyo, isla markaana feejignaan dheeraada layeesho maal-maha dabaal dega xuska maalinta qaranimadda ee 18 May
Madaxweyne Ku-xigeenka JSL Md.Maxamed Cali Aw Cabdi oo halkaas ka hadlay ayaa mahadnaq u jeediyey Maamulka Gobolka Gabiley,ka degmada iyo bulshada reer Gabiley sida weyn ee u soo dhaweeyeen wuxuuna yidhi:-“Farxad gaara ayay ii tahay maanta in la igu soo dhaweeyo magaaladii aan wax ka bartay ku soo barbaaray ee Gabiley, buugaygana taariikhda baal dahaba ayay ka gali doonta.
Madaxweyne ku-xigeenka JSL ayaa sheegay inuu Magaalada Gabiley uu ka furranayo xafiis u ku shaqayn doonno “Gabiley kaliya ma iman ee waxa aan ka samaysan doona xafiis aan ku shaqeeyo.
Ugu Dambeyntii Madaxweyne ku-xigaanka JSL ayaa sheegay inay mudnaa gaar ah siinayo Xukuumadda Gobolka Gabiley,maddaama oo” Xukumada wadajir iyo wax-qabad ahmiyad gaara ayuu u leeyahay gobolka Gabiley, waxa aan wax ka qaban doonnaaa baahiyaha gaarka ah ee ka jira”