Wasaaradda Waxbarashadda Somaliland Oo Go’aan Ka Soo Saartay Imtixaanka Shahaadiga ah

0
936

Burco (Hargeisa Press.com): Wasaaradda waxbarashadda Somaliland ayaa sheegtay in gebi ahaanba la joojiyay derejadii la siin jiray tobanka arday ee sanadka kasta ugu sareeya imtixaanaadda fasaladda 4aad ee sare iyo 8aad ee dhexe.

Sida uu shaaciyay guddoomiyaha xafiiska imtixaanaadka qaranka Somaliland Daa’uud Axmed Faarax.

Waxaanu sheegay   in arrintaasi loo arkay mid jahawareer ku ah dalka, isla markaana dugsiyadda gaarka loo leeyahay ay arday gaara u diyaariyaan sidii ay kaalmaha sare uga geli lahaayeen imtixaanadda.

Sidaas darteed-na, iyadoo laga duulayo dhibaatadda ay arrintaasi u leedahay dawladda iyo dalkaba in wasiirka waxbarashadda Somaliland uu qaatay go’aan siyaasadeed oo cad oo lagu joojinayo arrintaasi.

“Arrinta tobanka arday ee ugu sareeya imtixaanadda shahaadiga ah (Top Ten), waxaan filayaa waad maqasheen oo wasiirka waxbarashadda ayaa ka hadlay.

Nidaamka siyaasadeed ee uu noo soo gudbiyay ka xafiis imtixaanaad ahaan.  Waxaanu yidhi arrinkaasi wuu ina wareeriyay, oo dalka wuu wareeriyay, arday gaara ayaa loo tababaraa, oo dugsiyadda gaarka loo leeyahay ayaa arday yaroo gaara sameeya”ayuu yidhi Daa’uud Axmed Faarax.

Guddoomiyaha xafiiska imtixaanaadka qaranka Somaliland waxa uu sidan ka sheegay kulamo wargelin iyo xog waraysi isugu jiray oo uu maanta magaaladda Burco kula qaatay ardayda sanadkan u fadhiisanaysa imtixaanadda shahaadiga ah.

Daa’uud, oo ka hadlayay go’aanka ay wasaaradda waxbarashadu ka qaataday arrinka ardayda kaalmaha hore ka gala imtixaanadda,  ayaa yidhi “Markaa wasiirku wuxuu xal u arkay in hawshaa tobanka arday ee ugu sareeya imtixaanadda fasaladda 4aad ee sare iyo 8aad ee dhexe gebi ahaanba la joojiyo”.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY