Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Oo Qado sharaf u samaysay Xoghayaha Saxaafadda Afrika + SAWIRRO

0
666

Hargeysa,(HargeisaPress)—Wasaaradda warfaafinta Somaliland ayaa maanta Qado sharaf u samaysay xoghayaha guud ee ururka saxaafadda Afrika oo booqasho ku joogay caasimadda Somaliland ee Hargaysa.

Kulanka waxaa ka soo qaybgalay Agaasime waxeedyada wasaaradda warfaafinta Somaliland waxa ku weheliyey Safiirka Somaliland ee Finland, Marwo Saamiya Muuse,ku simaha agaasimaha maamulka, Shukri Xariir guddoomiyaga tifaftirka wasaaradaa,Faisa Faliidh la taliyaha wasiirka,Agaasimaha Tvga Qaranka Somaliland Maxamed Xasan Cali (Waji) iyo agaasimaha waaxda qorshaynta C/qaadir Askar iyo xubno kale.

Agaasimaha waaxda qorshaynta C/qaadir Askar ayaa ka warbixiyay Qadasharfta ay u sameeyeen xoghayaha guud ee ururka saxaafadda Afrika, C/qaadir Askar ayaa madasha ka sheegay inay wasaarada warfaafintu dhawaan dalka ka qaban doonto shirweyne caalamiya oo saxaafada ah kaasi ay la qaban doonan ururka ANA Africa.

HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRADA KULNKA

LEAVE A REPLY