Wafti Khubaro ah oo dalka yimid kana socda Machadka Centre For Employment And Enterprise Development oo ka jira dalka ingiriiska

0
1526

Hargaysa-hargeisapress waxaa dalka yimid khuburo isugu jirta ajnabi iyo kuwa dalka u dhashay waxaanay ka yimaadeen dalka UK waftigani waxaa hogaaminay Xoghayii kaambaynka ee West london Mohamed abdi bbc, Dr. Solomon Fubara, Maareeyaha Guud ee Centre For Employment And Enterprise Development iyo Alex Shaw oo ka tirsan STUDIO 3 ee dalka ingiriiska.

waxaa lagu soo dhaweeyay Madaxtooyada somaliland halkaas oo ay kula kulmeen Agaasimaha guud ee wasaaradda madaxtooyada somaliland Mohamed ali bile, waxay isla soo qaadeen hawlo badan oo muhiim u ah dalka gaar ahaan sidee shaqo loo abuuri karaa kulankaasi wuxuu ahaa kulan aad u qiimo badan.

Dr solomon wuxuu yidhi waxaa i farxad galisay dimuqraadiyada somaliland ka jirta dal nabada oo  ilbaxnimo ka muuqato laakiin aan haysan aqoonsi caalami waxaan fariin u dirayaa dhamaan dawladaha geeska iyo reer galbeedkaba in somaliland lagu qiimeeyo waxa ay qabsatay.

Agaasime Mohamed Ali bile wuxuu u mahadnaqay waftigaasi waxaanu yidhi “kusoo dhawaado somaliland waxaad indhihiina ku arki doontaa wax ka duwan wixii aad aaminsanaydeen gaar ahaan soomalida iyo dawlad la’aanta ka jirta dhulkooda balse waxaad markhaati ka noqon doontaan horumarka iyo nabada dawladda somaliland ay ku talaabsatay ee cid dibada ka caawisayna aanay jirin”

Mohamed Abdi bbc wuxuu u mahadnaqay sida loosoo dhaweeyay waftigii uu hogaaminayay waxaanu balan qaaday inuu dadaal badan galin doono in fursadan wanaagsan ku dhiso doono wax la taaban karo oo horumarka dalka ka socda qayb ka noqon doona hadii ilaahay yidhaahdo

Hargaysa Hargeisapress main office

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here