XILLDHIBAANO KA TIRSAN GOLAHA DEEGAANKA GABILEY OO UGU BAAQAY WASAARADA ARIMAHA GUDAHA IN AY MAAYARKA GABILEY KU SOO CELISO KU DHAQANKA SHARCIGA IYO XEERARKA DALKA

0
1052

XILLDHIBAANO KA TIRSAN GOLAHA DEEGAANKA GABILEY OO UGU BAAQAY WASAARADA ARIMAHA GUDAHA IN AY MAAYARKA GABILEY KU SOO CELISO KU DHAQANKA SHARCIGA IYO XEERARKA DALKA.

Hargeisapress- Gabilay- Tann iyo markii Bulshada S/land u dareereen doorashadii Golayaasha Deegaanka dalka.Waxaa muuqata in lagu guuldaraystay ujeedadii loo soo doortay Xilldhibaanada Golayaasha Deegaanka dalka ee ahayd in Maamul daadajin laga sameeyo Gobolada iyo Dagmooyinka dalka,waana Bar Madaw oo ku taal Wasaarada Arimaha Gudaha.waxaana marag cad looga dhigayaa in lagu guuldaraystay ujeedadii loo soo doortay Xilldhibaanada Golayaasha Deegaanka dalka,Xilldhibaankii shalay ay u doorteen Xilldhibaanadii dhigiisa ahaa Maayarka in siduu doono ka yeelo dakhligii umadda,Sharcigii iyo Xeerarka dalka isagoo ka talaabsaday Talo wadaagii Xilldhibaanadii Golaha Deegaanka lagu soo doortay . Xilldhibaano ka tirsan Golaha Deegaanka Gabiley oo soo gaadhsiiyay shabakada wararka ee hargeisaprres.com qoraal ay kaga hadlayaan arimahan ayaa u dhignaa sidan :- Xilldhibaan Iid Xasan Cabdi,oo hadalka ku horeeyay waxuu ku bilaabay sidan:- ugu horayn waxaa lagama maarmaan ah in la fahmo Ujeedadii loo soo doortay Xilldhibaanada Golayaasha Deegaanka dalka ee ahayd in maamul daadajin loo sameeyo Dagmooyinka dalka,iyadoo waajib gaar ahi ka saaran yahay in ay la socoto talaabo kasta oo ay qaadayaan Wasaarada Arimaha Gudaha, halka ay sartu ku qudhuntay ee hawlgabka noqotay waa Wasaarada Arimaha Gudaha oo lafdhabar u ah dhismaha Golayaasha Deegaanka dalka Waajib gaar ahi ka saarnan yahay Kormeerka,Baadhista iyo Shaqada Maayarada Dalka iyo Xilldhibaanada Golaha Deegaanka sida ku cad Qodobka 98 ee Xeer Lr 23 Xeerka Gobolada iyo Dagmooyinka.Waxaanu dull joogsaday Xilldhibaan Iid Xasan Cabdi Qodobka 98 ee Kormeerka iyo Baadhista Faqradiisa koowaad.1. Wasaarada Arimaha Gudaha ayaa Awood u leh Kormeerka,Baadhista, Hantida, Shaqada Iyo Hubinta Fulinta Shuruucda Xeerarka iyo Siyaasada guud ee Qaranka ee Xilldhibaanada Golaha Deegaanka. Xilldhibaan Axmad Siciid Kibaar oo hadalka la wareegay ayaa ku eedeeyay..

Hargeisapress Main office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here