Somaliland Oo Ku Hanjabtay In Ay Tallaabo Ciidan Ka Bixinayaan Farro Gelinta Puntland Ku Hayso

0
835

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Xukuumadda jamhuuriyadda Somaliland ayaa ka jawaabtay hadal ka soo yeedhay madaxweynaha maamul goboleedka Puntland oo Somaliland ku eedeeyay in ay waddo dhaq-dhaqaaq colaadeed iyo duulaan ay doonayso in ay Puntland ku weerarto.

Wasiirka gaashaandhiga Somaliland Ciise Yuusuf Axmed (Xawar), ayaa beeniyay hadalka madaxweynaha Puntland, isla markaana aanu jirin wax dhaq-dhaqaaq colaadeed ah oo ay Somaliland ku qaadayso Puntland.

Balse  mudooyinkan danbe maamulka Puntland ay degaamadoodda ku ururinayeen maleeshiyaad rebshad iyo fidno ka gaysta meello ka tirsan dhulka Somaliland.

“Ciidamo ay Somaliland xukunto oo Puntland ku xad-gudbay  ma jiraan. Waxaan filayaa madaxweynaha Puntland wuxuu  ka hadlayaa degaanka Sanaag gaar ahaana gobolka Badhan iyo Ceerigaabo, oo ay ciidamo naga joogaan xoojina aanu ku samaynay.

Waxaa la og yahay in Puntland ay maleeshiyaad fidmo-wadeyaal ah, ay degaankoodda isku urursanayeen, gaar ahaan  magaaladda Qardho.  Kuwaasoo rebshado ka wadda degaamadda Sanaag Bari ee Somaliland, iyadoo ay mudooyinkii la soo dhaafay rebshado ka gaysteen meello ka mida Somaliland.

Degaanka gobolka Sanaag Bari, wuxuu ka mid ahaa meelaha Somaliland ugu nabadda badan. Fidno waxaa ugu horeeyay nimankaa Puntland ay ku ururinayso degaamadoodda, ee ay magan-geliyadda ku siisay Qardho”ayuu yidhi wasiirka gaashaandhiga Somaliland oo maanta la hadlay Bulsho TV>

Geesta kale wasiir Ciise Xawar, ayaa carabka ku dhuftay in ay jiraan ciidamadda Somaliland oo la geeyay degaanka Yube, halkaasoo todobaadkii hore ay maleeshiyaadka Caarre yimaadeen. Inkastoo markii danbe ay ciidamadda qaranka Somaliland halkaas ka eryadeen.

Taasina  aanay  ahayn mid ay ku samaynayeen dhaq-dhaqaaq ciidan ama weerar ay Somaliland qorshaynayso in ay Puntland ku qaado, haddiiba uu madaxweynaha Puntlnad sidaas ku doodayo.

Wasiirka oo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Degmadda Yube, waxay ka tirsan tahay gobolka Sanaag. Waxaa ka shisheeya gobolka Badhan, xuduudda Somaliland iyo Soomaaliya-na meesha ay tahay waa la yaqaan.

Sababta ay ciidamadda Somaliland u tegeen Yube, waxaa jirtay in todobaadkii hore maleeshiyaadka Caarre ay yimaadeen degaanka Baraagaha Qol iyo degaamo kale. Markii danbe ee ciidamadda Somaliland ka baacsadeena (eryadeen) wuu ka carraray. Caarre, wuxuu ka soo duulay meesha la yidhaahdo Qardho”.

Dhinaca kale wasiirka gaashaandhiga Somaliland ayaa uga digay Puntland in haddii ay jooji waayaan maleeshiyaadka ay ku soo hubaynayaan ee rebshadaha ku haya dhulka Somaliland in ciidamadoodu ay diyaar u yihiin in ay jawaab ka bixiyaan.

“Somaliland marnaba u dul qaadan mayso wixii dhibaato ku haya. Waxaanan u sheegayaa madaxweynaha maamulka Puntland, Somaliland meel kastoo ay fidno kaga soo baxdo, ama Qardho ha ahaato, ama Xaafuun ha ahaato, ama Isku-shuban ha ahaato.

Meeshii hujuun cadow kaga soo duulo Somaliland, oo  amnigeedda iyo xasiloonideena carqalad gelinaya, ciidamadda qaranka Somaliland waxay diyaar u tahay in ay jawaab waafiya ka bixiso, ciidamadda qaranku-na heegan bay u yihiin” ayuu yidhi wasiir Ciise Xawar.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here