Somaliland: Guddida Doorashooyinka oo Guurtida u Gudbiyey Duruufaha Caqabadda ku ah Doorashada Golaha Wakiillada

0
827

Guddoomiyaha Guurtida oo sheegay in Komishanku ku wargeliyeen in aanay doorashadu qabsoomi karin haddii aan laga bixin duruufaha taagan + faahfaahinta caqabadaha muuqda

Hargeysa,(HargeisaPress)—Guddida Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ku wargeliyey Golaha Guurtida in aanay doorashada Golaha Wakiilladu ku qabsoomi karin muddada loo cayimay oo ah 12 December 2019, haddii aanay sida ugu dhakhsaha badan looga hawlgelin dhammaystirka caqabadaha hortaagan doorashada oo ay ka mid yihiin in meesha laga saaro khilaafka u dhexeeya xisbiyada qaranka.

Sida uu Guddoomiyaha Golaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan u sheegay saxaafadda shalay, xubnaha Guddida Doorashooyinka Qaranka oo xog-waran siiyey Golaha Guurtida, ayaa u xaqiijiyey inay wada-shaqayn ka waayeen Golayaasha Qaranka, Saddexda Xisbi iyo Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi, sidaa darteedna aanay suurtogal ahayn in doorashadu ku qabsoonto xiliga ay u muddaysan tahay, haddii aan wada-jir looga hawlgelin in meesha laga saaro caqabadaha hortaagan doorashada.

Ugu horayn, Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Md. Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo warbaahinta la hadlay, ayaa iftiimiyey nuxurka kulanka ay la qaateen Golaha Guurtida Somaliland.

“Waxa aannu saaka (shalay subax) u nimd waa shaqadii caadiga ahayd ee ka dhexaysay hay’adaha dowliga ah ee ugu sar-sareeya qaranka Somaliland oo waxa la nooga yeedhay Golaha Guurtida oo kulankoodii fadhiya. Waannu is-xog-waraysanaynay oo xog-waraysi ayey ahayd, waanan is-xog-waraysanay, waanan is fahamnay,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinku.

Waxaannu intaas ku daray; “Xog ayaannu siinay, iyaguna (Golaha Guurtida) xog ayey na siiyeen oo isfaham wanaagsan ayaannu halkaas ku kala tagnay iyo innaga oo doorashadii loo galo sidii ay u muddeeyeen (oo ah bisha December ee sannadkan 2019), intaas ayaann hadda ku soo koobaynaa, warbixintayadiina aad ayey (Golaha Guurtidu) ugu qanceen oo halka ay wax noo marayaan shaqadii hoose ee Komishanka dhexdiisa iyo halka ay farsamo ahaan wax noo marayaan iyo tii kale (waxyaabaha ku xidhan daneeyayaasha doorashada) ee dibadda u baxaysayba labadaba way ku qanceen.”

Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Qaranka, ayaa sidoo kale ballanqaaday in xubnaha Komishanku ay dhawaan si rasmi ah ula hadli doonaan saxaafadda, isla markaana ay sida ugu dhakhsaha badan isugu yeedhi doonaan warbaahinta, si ay dadweynaha reer Somaliland ugu soo bandhigaan xog-waran la xidhiidha doorashada iyo duruufaha ku xeeran.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan PHOTO FILE

Hasa yeeshee, Guddoomiyaha Golaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa xaqiijiyey in Guddida Doorashooyinka Qaranku u sheegeen golihiisa in aanay doorashada Golaha Wakiilladu ku qabsoomi karin 12 December 2019, haddii aan duruufaha taagan wax laga qaban.

“Wax ay kordhiyeen oo aan ahayn doorashadii qabsoomi mayso may jirin, eeddiina waxay saareen labada gole (Guurtida iyo Wakiillada), Madaxweynaha iyo xisbiyada qaranka, waxna way ka jiraan…Waxa weeye inay xilkooda gutaan,” ayuu yidhi Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan.

Maxay yihiin caqabadaha hortaagan in doorashadu qabsoonto xiliga ay u muddaysan tahay

Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa qoraal ay soo saareen 27 November 2018 ku soo bandhigay caqabado kala duwan oo ay xuseen inay sabab u yihiin qabsoomid la’aanta doorashooyinka, qoraalkaas oo sababay in Golaha Guurtidu muddo-kordhin u sameeyo Golaha Wakiillada oo mar kale loo muddeeyey in doorashadoodu dhacdo 13 December 2019, balse caqabadaha ay xiligaas soo bandhigeen Guddida Doorashooyinka Qaranku  ayaa ah qaar weli taagan oo sabab u noqon kara in mar kale doorashadu ku qabsoomi waydo xiliga ay u muddaysan tahay.

Haddaba, waxa uu wargeyska Jamhuuriya halkan ugu soo bandhigayaa akhristayaasha iyo bulshada reer Somaliland caqabadaha ay weli taagan ee ay Guddida Doorashooyinku soo saareen taariikhdu markii ay ahayd 27 November 2018, kuwaasoo u qornaa sidan;

DIB U DHACA KU YIMI JADWALKII SHAQADA DOORASHADA

  • Diyaarinta shuruucda muhiimka ah
  • Diyaarinta Xafiisyadii Diiwaangelinta Heer Gobol iyo Degmo
  • Shaqaalaysiinta hawlwadeenadii Komishanka Doorashooyinka Qaranka
  • Tababaradii iyo Wacyegelinta bulshada
  • Diyaarinta qalabkii Diiwaangelinta Codbixiyayaasha
  • Bilowgii Diiwaangelintii Codbixiyayasha
  • Qaybinta Kaadhadhka Codbixinta

CAQABADAHA

Komishanka Doorashooyinka Qaranku markii uu diyaariyey dhammaan qorshe hawleedyadii waxa ka hor yimid caqabado badan oo isugu jira, kuwo sharci, dhaqaale iyo muranno siyasadeed, oo ka horyimid shaqadii, diyaar-garowgii iyo geeddi-socodkii Doorashooyinka.

Caqabadahaas waxa ka mid ah;-

  1. Xeerarka Doorashooyinka: Komishanka Doorashooyinka Qaranku wuxuu isku-dhaf iyo kaabis ku sameeyey bishii May 2018, Xeerarkii Doorashooyinka, kadib markuu la tashaday daneeyayaasha kala duwan ee arrimaha Doorashooyinka. Xeerarkaas oo aan weli la ansixin oo ilaa maanta horyaala Golaha Wakiillada
  2. Saami-Qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiilada: Sida laga warqabo, waxa muddo dheer caqabad ku ahaa qabsoomidda Doorashooyinka Golaha Wakiillada arrinta Saami-qaybsiga

Gobollada oo ilaa maanta aan xal loo helin.

  1. Wadashaqayn la’aanta Xisbiga WADDANI: Xisbiga WADDANI wuxuu bishii March 2018 ku dhawaaqay in uu joojiyey wadashaqayntii u la lahaa Komishanka Doorashooyinka Qaranka, taas oo ilaa hadda taagan.
  2. Is-faham la’aanta xisbiyada: Waxa jiray dedaalo ay wadeen xisbiyada Qaranku oo ay doonayeen inay kaga wadahadlaan arrimaha Doorashooyinka, ilaa haddana aan dhamaystirmin.
  3. Miisaaniyada Diiwaangelinta iyo Doorashooyinka: Xukuumadda Somaliland waxay bixisay qayb ka mid ah miisaaniyaddii, laakiin markii uu abuurmay Jawiga aannu kor ku soo sheegnay waxa adkaatay in la wada helo dhammaan miisaaniyaddii Doorashooyinka oo qayb ka mid ah ay bixin jireen qaadhaan-bixiyayaashu.

GUNAANAD

Si ay u qabsoomaan Doorashooyinka isku sidkan ee Golaha Wakiillada iyo Deegaanka, Komishanka Doorashooyinka Qaranku wuxuu u baahanay ugu yaraan Toban (10) Bilood oo aan hakad lahayn oo laga bilaabo marka la xalliyo duruufaha ku gadaaman qabsoomidda Doorashooyinka, si loo qabto shaqooyinkan;-

  • Diyaarinta Diiwaangelinta Codbixiyayaasha
  • Diiwaangelinta Codbixiyayaasha
  • Qaybinta kaadhadhka Codbixinta
  • Diyaarinta Doorashooyinka
  • Iyo Qabsoomidda Doorashooyinka isku sidkan.

Jamhuuriya

LEAVE A REPLY