Safarkeygii Miyiga iyo Xusuusaha isdhalan-rogay

0
375
Suxufi Mustafe Maxamed Nuur (Dheereye)

HargeisaPress —Keymahii sitaaca lahaa ee xiliyada barwaaqada dixida iyo dareemadu ay ku gedaamnaayeen, kuwaas oo dad iyo duunyaba naflahii jalleecaa uu qalabiga ka farxi jiray waxay ahaayeen qaar siidh-guuray oo meelo yar oo kooban ka sii muuqda.

Adhigii kamballada reeraha dhoobnaan jiray indhahaygu waxay qabanayeen xaymo koob- kooban oo qaarkood imminka uun soo doogayaan. Dhulkii gaaroodiga, qolka, muquuska, sudda, banka iyo dooxooyinka ka koobnaa waxaa dhinac walba u jibaaxay waddooyin ay sameeyeen gawaadhi dhuxuleysato ah iyo gawaadhi qaad qaddimaya, kuwaas oo tuulooyinka iyo degaanadaasba ku beegaya xiliyadii xoolaha la daajin lahaa.

Safarkayga waxa aan ka bilaabay dhinaca degaannada hawdka ee magaalada Hargeysa oo waxa aan sii maray degaanka Toon, iyadoo aan uga gudbay dhulka degaannada Qool-caday ilaa Salaxley. Dhammaan meelahaas waxaa iiga muuqday dad reer miyi ah oo xiliyada barqada ku soo qulqulaya dhinaca tuulooyinka, dadkaasi waxay u badnaayeen rag oo qaarkood waxay sitaan caagado ay ku sidaan caano, si ay magaalada uga iibiyaan.

Waxaan si mugle u sii dhugtay degaanada u dhexeeya Salaxley, Laan-qayrta, Qool-dhuxulaale, ilaa Sanqoole. Deegaanadaasina waxay ahaan jireen dhul ku caan-baxay hodontinimo iyo dhul barwaaqo ah oo dhammaan nimcooyinka duunyadu ku taranto, waana dhul lagu yaqaanay inta geed ee xoolaha iyo ugaadhu ay jecelyihiin, kuna naaxaan. Waa deegaan isku dhafan oo geed sare oo geelu jecelyahay ama geed-gaab adhiga iyo inta la halmaashaaba calafsan jireen.

Meesha waxaa ka baxay kaymahii dhalxashka ahaa ee dixida, dareemada iyo duurka lahaa, kuwaas oo ay beddeleen mara-boob iyo caleemo ka soo baxay geedaha hoostooda ama rista guryaha la deganyahay iyo jabadad laga guuray ka baxday.

Cawsaskii aqal Soomaaliga lagu dhisi jiray ee uu ka mid ahaa timo-haweenlahii laga samayn jiray cawskii googooska ahaa toddobaalahii, saddexlahii baraha lahaa iyo kabaddii maydhaxda galoolka lagu dareerin jiray iyagana warkooda daa oo meesha way ka baxeen, maadhii iyo majeentii ayaa hawdka sare lagu sheegayay.

Cawsaskaas duunyadu ku darari jirtay dhammaan waa uu sii siidh-go’ayaa, waxaannu ka sii muuqdaa meelo ay iska ooteen dad aan waxba ka beerin oo qaytay dhulkii la wada manaafacaadsan lahaa.

Qadhaabkii geed-midhoodkii ay ka mid ahaayeen gacayrada, doonbirta, tindhadhka, faraxuunshada, xangeeyada, dhanfaruurtii iyo gumbushaagiiba jiidahan oo lagu ogaa waa la waayay faraciisii ama siidhkiisa, intii aan safarka ku jirayna indhahaygu may qaban meel muuqoodu yahay.

Haddaba, Siciid Gahayr oo ah nin degaan-yaqaan ah oo aan kula kulmay degaanka Sanqoole ayaan weydiiyay waxa ku dhacay qadhsaabkii xiliyada barwaaqada laga heli jiray degaannada hawdka, waxaannu ku jawaabay; “Qadhaabkii iyo midhahii arladan lagu yaqaaqnay waxaa noogu dambaysay muddo dhawr sannadood ah oo waxaannu u malaynaynaa in ay dabar-jareen abaarahii nagu dhacay.”

Xoolahii aadka loo dhiqi jiray ee reeraha qaarkood tiro iyo laba tiro ilaa boqol ilaa laba boqol oo neef lahaan jiray, ayaa ku soo ururaya tobaneeyo adhi ah, wanankii qoodha ahaa ee adhiga laga reebi jiray, isla markaana iyagoo shakaalan naylaha la daaqi jiray xiliyadan waa naadir in aad aragto.

Xusuusaha is-dhalan-rogay ee degaanadan ku soo kordhay ayay ka mid ahaayeen geelashii xeryaha loo oodi jiray ee labada ardaa loo goyn jirey waxaa kaliya oo la soo xereeyaa inta irmaan ee nirguhu xerada u joogaan, laakiin geela horweynta ah ee qaalimada, awrta iyo aaranka ka koobnaa lamaba soo xereeyo.

Arrintan oo aan wax ka weydiiyay Cismaan Baaruud Cali waxa uu yidhi; “Beryahan dambe reerahu waxay noqdeen degaan degel-fadhi ah oo guryahooda ama xeryahooda muddo badan aan ka guurin, sidaa daraadeed waxaa meesha ka baxay bahal dugaag oo geela layn jirey, taasina waa sababta aan inta badan geela hor-weynta ah loo soo xerayn.”

Sababaha dhalan-rogay dhirtii qiimaha badneyd ee dawada, bilicda, soo jiidashada roobabka, xabkaha iyo kulamada guurtida dhinaca nabadaynta, war kala qaadashada iyo xididinta ama guryaha lagu dhisan jiray waxaa sii dabar-jareysa dhuxul laga shidayo, taas oo ay gudin ku xiirayaan dad ma kas ah oo aan ogayn dhibka ka soo socda.

Mr.  Iid Xasan Walay iyo Axmed Maxamed Dheereeye oo aan arrintan kala sheekaysatay, ayaa ii sheegay; “Kaymahii biyo-fadhiisinka ahaa waxaa qallajiyay taayirada baabuurta oo aad socodkoodu ugu batay, taas oo sababtay in biyahii fadhiisan lahaa ay ququlaan oo badda ku darmaan.”

Waxayna intaas ku sii dareen; “Guri walba waxaa dhexyaala solar (qalabka dabka ka dhaliya qoraxda) lagu dabeeyo moobilada, waxaa lala socdaa gaadhiga qaadka iyo xiliga uu imanayo, kayn walbana waxaa waddo ka saaray gawaadhida reer walba is dul taagaya ee raashinka u sida.” Arrimahaas ay soo xuseen ayeyna ku sababeeyeen dabar-go’a dhirta.

Mr. Mustafe Xariir Cabdi oo culuunta caafimaadka ku haysta shahaadada PHD-da, kuna sameeyay gobolka Ohio ee waddanka Maraykanka oo isagu geel ku dhaqday degaanka Salaxley oo aan wax ka weydiiyay sida loo ilaalin karo xoolaheena iyo degaankeena, ayaa ii sheegay in ummad waliba ku faanto dhulkeeda iyo hantideeda, waxaannu yidhi; “Sababta aan geelan halkan ugu dhaqday waa in aan sii kordhiyo qiimahii geeleenu uu lahaan jiray iyo dhiirigelin aan reermiyigeena tusayo, waxaanan u huray wakhti iyo adduunba badan.”

 

Safarkan waxaa nooga soo baxay in isbeddel weyni ku yimid deegaanadii miyiga oo aannu imminka ahayn sidii lagu yaqaaney soddon sanno ka hor, iyada oo la tuhunsanyahay in isbeddelkan ay sabab u yihiin laba qodob oo kala ah;

  1. Dhibaato dad-samee ah: Sida magaalaynta dhulkii miyiga oo bulsho waliba tuulooyin ka samaysteen degaankii yaraa ee ay ku noolaayeen, xaalufinta dhirta oo loo isticmaalo dhuxusha, taayirada ama waddooyinka gaadiidka oo degaanka ka dhigay boholo iyo jeex-jeexyo biyo-mareen ah, tana waxay keentay in dhulkii isku beddelo nabaad-guur meesha ka saaray carradii nafaqada lahayd ee ay ku bixi jireen qadhaabkii iyo midhuhuba.
  2. Isbeddel dabiici ah: Waxaa xaqiiqo ah in dalkeena ay saameeyeen cimilada adduunyada ee isasii beddelaysa, taas oo wax laga saarayo wasakhowga ay hawada ku sameeyaan warshadaha ay leeyahiin dalalka horumarka gaadhay.

Ugu dambayn waxa aan ku talin lahaa qodobbadan soo socda;

  • in dowladdu kala xadeyso dhulka xoolo-daaqeenka ahaa iyo seerayaasha, lagana arrinsado dadyowga ootay dhulkii ummadda ka dhexeeyay oo aan loo aabbo-yeelin.
  • In Wasaaradaha deegaanka ka shaqeeyaa ay hirgaliyaan siyaasadaha iyo shuruucda lagu ilaalinayo degaanka ee hadda jira.
  • In wax-garadka iyo odayaasha deegaanadu kala shaqeeyaan dowladda sidii waxyeelada looga joojin lahaa degaanka sida qodobka koowaad ku xusan.

Suxufi Mustafe Maxamed Nuur (Dheereye)

LEAVE A REPLY