Nuxurka Kulan Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland la Qaatay Wefti ka Socda Hay’adda UNICEF

0
1307

Hargeysa,(HargeisaPress)—Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafti ballaadhan oo uu hoggaaminaayo Mr. Steven Lauwerier oo ka socda Hay’adda UNICEF oo uu wehelinayo Yahaya Balima oo ah madaxa xafiiska Unicef ee dalka Somaliland.

Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Somaliand maanta, safarka uu Steven Lauwerier ku yimid Somaliland ayaa ah indho-indhaynta hawlaha ay UNICEF ka wado gudaha Somaliland sida ay u socdaan iyo halka ay marayaan, maadaama oo wakhtigii loo magacaabay xilkani uu yahay gabaabsi muddadiisu sii dhammaanays, dhawaana laga beddeli doono xafiiska Unicef ee Somaliland iyo Soomaaliya uu ugu magacawnaa Mr Steven.

Waxa kale oo kulankaasi lagaga wadahadlay sidii loo dar-dar gelin lahaa hawlaha samafal ee Hay’adda UNICEF ka waddo gudaha Jamhuuriyadda Somaliland, isaguna uu ugu sii wareejin lahaa cidda ka beddeli doonta xafiiska.

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland waxa kulankaasi ku wehelinayey Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Somaliland Md. Maxamed Cali Bile iyo Ergayga Gaarka ah ee Somaliland u qaabilsan Qarammada Midoobay Mr.  Maxamed Warsame Ducaale.

HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRRO

HargeisaPress.com/Hargaysa Office

Hargeisapress@gmail.com  

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here