Golaha Guurtida oo u gudbiyay Maxkamada sare ee Dastuuriga dacwadeed ku aadan in tafsiir sharci ka bixiso Khilaafka ka dhex dhashay Xeerar Golaha Wakiiladu usoo gudbin Guurtida.

0
828
Maxkamada sare ee Dastuuriga PHOTO FILE

Hargeysa (HargeisaPress) – Golaha Guurtida Somaliland ayaa toddobaadkan u gudbiyay Maxkamada sare ee Dastuuriga ah qoraal Dacwadeed ku aadan in ay ka garnaqdo khilaafka ka dhashay Xeerar la xidhiidha Dhaqaalaha oo Golaha Wakiilada u gudbiyay Xukuumadda,taas oo aan loo soo gudbin Golaha Guurtida.

Sida ay Xaqiijiyeen ilo Xogogaala ayaa waxa ay tibaaxaaen in Golaha Guurtida uu qoraal dacwadeed u gudbiyeen Maxkamada sare si ay uga garnaqdo oo tafsiir sharci uga bixiso khilaafka ka dhashay Xeerar Golaha Wakiilada aanay usoo gudbin Golaha Guurtida,taas oo mudooyinkii ugu danbeeyay khilaaf ka dhex abuuray labada gole ee Baarlamaanka Somaliland.

Khilaafkan ka dhex taagnaa Baarlamaanka Somaliland ayaa waxa uu sababay in warbaahinta hadalo kulul isku waydaarsadaan labada Xoghaye guud ee Golaha Wakiilada iyo Golaha Guurtida Cabdirisaaq Siciid Ayaanle iyo Cabdinaasir Aadan Beegsi,waxaana midba mid kale ku ee deeyay in Golahoodu baalmaray dastuurka dalka u yaala.

HargeisaPress News Desk – Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here