Warbaahinta Itoobiya Oo Baahisay Xoggo Laga Helay Ninkii Dabka Qabadsiiyay Safaaradda Somaliland Ee Addis-ababa Oo Sheegay In Hargeysa Laga Musaafuriyay

0
1176

Addis Ababa, (HargeisaPress) —Wargeyska The Reporter ee kasoo baxa magaalada Addis-ababa ee caasimada dalka Itoobiya ayaa baahiyay xogo laga helay nin dhawaan dab qabadsiiyay qaybo kamid ah safaaradda Somaliland ay ku leedahay magaalada Addis-ababa caasimada dalka Itoobiya.

Wargeysku waxa uu sheegay in xogo uu ka helay saraakiil Booliska ka tirsan oo dhacdadan iyo ninkan loo qabtay baadhayay ay xaqiijiyeen in ninka falka gaystay uu ahaa nin dhawaan laag soo musaafuriyay Somaliland,kaas oo ku doodayay in lasoo barakiciyay.

Wargeysku waxa uu sheegay in dhacdadan ay baadhayeen Boolisku degmada Bole ee Addis-ababa ay xaqiijiyeen in eedaysanuhu uu kamid ahaa Qoxuuntiga Itoobiyaanka ah ee degenaa Hargeysa,kaas oo kamid ahaa dad Hargeysa laga soo saaray markii ay dhawaan rabshaduhu dhex mareen Somalida iyo Oromada.

Wargeysku isaga oo soo xiganaya xogaha uu Booliska ka helay waxa uu yidhi

“Eedaysanuhu waa uu qirtay danbiga,waxa aanu ku andacoonayaa in ay jawaab u tahay barokicintii lagu sameeyey”sidaas ayuu yidhi wargeyska The Reporter oo soo xiganaya ilo xog ogaal ah oo Boolis ah.

Ninkan ayaa la sheegay inuu dusha uga soo dhacay dayrka xayndaabka u ah xafiiska Somaliland kadibna u dab qabadsiiyay,waxaana sidan xaqiijiyay sarkaal ka tirsan Booliska Addis-ababa oo ka gaabsaday in magaciisa la sheego,waxaana uu intaasi raaciyay in ninkan eedaysanaha ah oo aan wali magaciisa la baahin uu ciidamada Booliska isku dhiibay kadib markii uu falka gaystay.

falkan dabka ah ee lagu waxyeeleeyey xafiiskii Somaliland ayaa waxa markiiba ka jawaabay ciidamada Dab-damiska ee Addis-ababa oo 46 Minit gudahood ku damiyay dabkii,waxaana hantida ku khasaartay halkaasi lagu qiyaasay 100,000 oo Bir (Boqol Kun Oo Bir).

Madaxa xafiiska Somaliland ee Addis-ababa ayaa waxay iyaguna arrintan dhacday u gudbiyeen markiiba wasaaradda arrimaha dibada Itoobiya.

“Haa waa nalagu soo wargeliyey falkaas”sidaas waxa yidhi Males Alem oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha dibada oo u waramay jariidadan,waxaana la xoojiyay amaanka duleedka xafiiskan safaarada u ah omaliland oo aad loo adkeeyey ,iyada oo warbixintu sheegtay in la qabtay ilaaliyihii markaas falku dhacay shaqada ku jiray oo markii danbe lasii daayay.

Safiirka Somaliland ee Itoobiya Cali Salaan JIrde ayaa isna wargeyska u xaqiijiyay dhacdadan inuu faah-faahin ka bixiyo,isaga oo arrintana sheegay in baadhis lagu hayo oo aanu ka hor dhacayn.

Geeska

LEAVE A REPLY