Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo si Hufan u Lafo-guray Tiirka Dhaqaalaha oo Kamid ah Tiirarka Udub-dhexaadka u ah Barnaamij-siyaasadeedka KULMIYE + SAWIRRO

0
1559

Hargeysa, (HargeisaPress) —Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo kamid ah saraakiisha sarsare ee xisbiga KULMIYE, ayaa si faahfaahsan u axadhay tiirka dhaqaalaha oo kamid ah Toddobada tiir ee uu ka kooban yahay Barnaamij-siyaasadeedka xisbiga KULMIYE.

Madasha lagu faaqiday tiirka dhaqaalaha ee Barnaamij-siyaasadeedka xisbiga KULMIYE oo xalay lagu qabtay xarunta Bar-kulanka taageerayaasha KULMIYE, isla markaana ay goob joog ka ahaayeen xubno sare oo xisbiga katirsan oo ay kamid yihiin Axmed Muumin Seed, Maxamed Cali Bile, xubno katirsan, garabyada haweenka iyo dhallinyarada, taageerayaal tiro badan oo xisbiga katirsan iyo marti-sharaf kale, ayuu aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ku bayaamiyey nuxurka uu xambaarsan yahay tiirka dhaqaalaha ee barnaamij-ka KULMIYE kamidka ahi.

Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo isagu si gaar ah ugu takhasusay cilmiga dhaqaalaha, ayaa si xeel dheer oo cilmi ku dhisan bulshada ugu sharraxay tiirka dhaqaalaha ee kamidka ah Barnaamij-siyaasadeedka KULMIYE, waxana uu sheegay inay xisbi ahaan xil weyn iska saareen inay si hufan oo midho-dhal leh u dhigaan qodobkaas.

Dhallinyaro iyo Aqoonyahan kale oo madasha fadhiyey, ayaa iyaguna su’aalo ku saabsan tiirka dhaqaalaha weydiiyey Jamaal Cali Xuseen, kaas oo isaguna si waafi ah uga jawaabay, isla markaana meesha ka saaray dhammaanba wixii wixii su’aalo ah ee tiirkaas laga qabay.

Aqoonyahan da’yar oo tiro badan oo madasha kasoo xaadiray, ayaa muujiyey sida ay ula dhacsan yihiin hannaanka uu aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen u sharraxay tiirka dhaqaalaha ee barnaamij-siyaasadeedka KULMIYE, waxana goobta lagu kala galbaday, iyada oo si wanaagsan la isugu qanciyey barnaamijka.

Xarunta Bar-kulanka taageerayaasha KULMIYE, ayaa waxa ku kulma taageerayaasha xisbiga KULMIYE, waxana muddooyinkii ugu dambeeyey si joogto ah loogu lafo-gurayey tiirarka kala duwan ee Barnaamij-siyaasadeedka KULMIYE oo ay bulshadu jeel badan u qabaan fahankiisa.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here