“Xukuumadda Xisbiga KULMIYE Ee Madaxweyne Siilaanyo Hoggaaminayo Iyo Reer Sanaag Saaka Laysu Sheegi Maayo, Malaa Qolooyinka Cusub Ayaa Reer Sanaag Iska Dhaadhicin Doona.” Wasiir Maxamuud Xaashi

0
1579

Ceerigaabo, (HargeisaPress) —Wasiirka Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka mid ahaa wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo Murrashaxa xisbiga KULMIYE Muuuse Biixi Cabdi oo hawlaha wacyigalinta qaadashada kaadhka cod bixiyeyaasha u jooga gobolada beri ee dalka ayaa maanta si weyn loo qaabilay magaalo madaxda gobola Sanaa gee Ceerigaabo.

Wasiirka Madaxtooyadda oo ka mid ahaa masuuliyiin la hadlay Kumanaan ka mida Taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee reer Sanaag ayaa ka hadlay ujeeda socdaalkooda waxaanu yidhi “ Aslaamu calaykum, Dadweynaha reer Ceerigaabo waxaannu wadnaa waxa weeye in aannu idinku dhiiri-galino inaad qaataan khaadka cod-bixinta doorashooyinka, waa muhiim saameyn ayuu ku leeyahay noloshiina iyo wadankiinaba. Waxa aynnu nahay bulsho walaalo ah oo isku mid ah, waa la tartamayaa xisbiyada waxaynnu u samaysanay in la tartamo hoggaanka dalka ku yimaado, hasayeeshee col ma nihin, xisbiyadu col ma aha cadowna isuma aha, si caafimaad qabta ayeynu u tartamaynaa, cida badisana waa la bogaadinayaa waa lagu hambalyeynayaa waa loo tanaasulayaa, xilkana waa loo tirinayaa, waa waxa dunida horumartay ay ku horumartay, waa waxa ummaddaha asaageen ahi ay meel ku gaadheen, Afrika waxa baabiyey waa isu tanaasul la’aanta, siyaasada in lagu kala adkadaa ceeb maaha ninka marka laga adkaado inuu qaato, waa geesinimo taariikhada meel buu ka galaa.”

Mudane Maxamuud Xaashi ayaa geesta kalena baaq u diray reer Sanaag waxaanu yidhi “ Maanta reer Ceerigaabow ole-ole ma wadno, waxaannu wadnaa guubaabo in khaadhkii codbiyeyaasha la qaato, khaadhkaasi saameyn ayuu ku leeyahay noloshiina, haday tahay dhaqaalaha haday tahay horumarka haday tahay siyaasada, arrimaha bulshada, intaba wuu ku leeyahay, gobol waliba tirakoobkiisa khaadhka qaatay ayaa la soo saarayaa, Sanaag waa dhab marka Somaliland dhul ahaan loo eego 38.5 % weeye, iyadoo intaa le’eg dhulkeedu kala fog yahay buuro iyo qarfo ku jiraan, waxaan dareen-sanahay bulshada reer Sanaag waa dad aad u farro badan dalku ma madhna ee wuu buuxaa, hasa-yeeshee diiwaangalintii waxa gobolkan iska diiwaangaliyey tiradiisii marka la eego mid ka yar haday sidaa tahay hadii khaadh qaadashaduna sii yaraato oo duruufaha dabiicaiga ah iyo abaaruhu ay sii ciilaan, arrintaasi waa arrin dhaawac leh, wax saameyn ku yeelan doontaa Saamiga reer Sanaag, meeshay doonaan ha u codeeyeene, reer Sanaag waxaannu leenahay qaata khaadhka oo is guubaabiya oo si wanaagsan oo nabadd-galyo ah u qaata.”

Wasiirka Madaxtooyada JSL sidoo kalen waxa uu ka waramay sida ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ugu abaal guday reer Sanaag waxaanu yidhi “ Qodobka labaad Xukuumadda xisbiga KULMIYE ee Madaxweyne Siilaanyo hoggaaminayo iyo reer Sanag saaka laysu sheegi maayo, malaa qolooyinka cusub ayaa reer Sanaag Iska dhaadhicin doona ayey ila tahay, qolooyinka xaashiyaha cad-cad wata ayaa saaka waraaqaha wax ku qoraya, annagu uma baanin in aannu waraaqo wax ku qorno. Sanaag waxay kamid ahayd goboladii xisbiga KULMIYE laga taageeri jiray, waxay ka mid ahayd goboladii doorashooyinkii kala duwanaa uu ku horumari jiray, KULMIYE wuu u abaal guday, reer Sanaag maanta ka ciilkaan-biyi maayaan taageeradoodii KULMIYE,  taageerayaashii Kulmiye iyo kuwii naga codayn jiray intuba isku ciilkaan biyi maayaan Kulmiyena canaan maayaan, waxa aynu nahay ummad ayar oo dhaqaale yar, waxa ina soo galay in si siman loo qaybsado ayaa waajib ah, maanu xaglin, manaanu xaqsoor xumayn, waxa laga qabtay mashaariic aad u tiro badan, malaa dadku wuu ilaabaa muddaduna todoba sano ayey maraysaa ma lihin baahidii reer Sanaag ayuunnu daboolnay, waxaannu qiraynaa in baahi badani jirto, in qabyo badani jirto, waxaanu  se leenahay todoba sano iyo waxaannu qabanay waa wax weyn oo aan hagrasho ku jirin. “

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here