Nwankwo Kanu, Guddoomiye Cirro Somaliland Ha Ku Soo Casuumo Isaga Oo La Kaashanaya Wasaaradda Ammuuraha Dibedda Ee Somaliland.

0
1332
Kulan Dhex-Maray Cirro iyo Kanu PHOTO By: WADDANI Party

Kulanka Guddoomiye Cirro iyo ciyaaryahanka weyn ee Nwankwo Kanu ku dhex maray London aad baan u soo dhaweynayaa; waayo waa kulan nin dhug-dheer oo xog-ogaal ahi ku diirsadaa.

Dadka inta sawir in la wada galay keliya u fahamtay maankooda waan tacsiyeynayaa. Kanu waa shakhsi maal-qabeen ah, adduunyada aad caan uga ah, ka soo jeeda dalka Afrika ugu dhaqaalaha weyn, ugu aqoonta badan ugu na dadka badan. Waa nin galaan-gal siyaasaddeed leh oo muftaax u noqon kara qufullo Afrika Somaliland kaga xidhan.

Waa shakhsi dalkiisa aad loo ga ixtiraamo oo ku sharfan dhexdiisa. Nigeria waa dalka ugu miisaanka culus Midawga Afrika oo qadiyadda dalkeenu ku laalan tahay.

Cid halkaa innaga caawisa oo wax badan ka tarta waa aynnu u baahannahay. Kanu waa nin Nigeria wax badan innoo ga suura-galin kara qaran ahaan. Siyaasaddu si walba waa ay u shaqayn kartaa ee yaan loo daymo la’aan.

In dadkeenu muxaafid iyo mucaarid u fahmaan, dawladnimadu in ay wadajir tahay waa laga ma maarmaan. Wanaagga la isaga ma masuuggo, sharaf bay innoo tahay in shakhsi 7-da billion ee adduunka ku dul nooli ay aqoon u leeyihiin in uu Guddoomiyaheenii Wakiillada u soo duulo si uu ula kulmo.

Kanu fadhiga waxa uga kaca dhammaan madaxda dalkiisa oo dhan, waana nin safiir gaadhay dhanka samafalka United Nations, Charities waaweyn ayuu leeyahay oo dhallinta wax loo gu qabto; wax badan ayuu inna tari karaa isaga iyo dadka heerkiisa ah haddii aynnu saaxiib ka dhiganno.

Guulaha qaybo aynnu wada leenahay ayaa jira oo aan la saranseerin karin, siyaasadduna waa ay godad badan tahay oo meelo badan ayey taal. Si wadajir ah aynnu u soo dhaweyno Kanu Somaliland na ha lagu soo casuumo.

Mohamed Hagi

Mohamed Hagi Mohamoud. Department of Politics and International Studies. The University of Warwick. Email:m.hagi-mohamoud@warwick.ac.uk, mohamedomar1@hotmail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here