Wasiirka Habeen Dhaladka Ah, Hadal Waxba Lagagama Qaado. !!!!! Qallinkii: Mawliid Axmed Jibriil

0
1494
Mawliid Ahmed Jibriil

( Hibo eebe ku siiyay Habeen lays kama qaado )indhawayd waxa saxafada qaarkeed ku zoo baxaysay warar borobogaanda ah oo wasiirka warshadaha ee sland , mudane shucayb lagu bartilmaameedsanayo sida xilka ayaa laga qaadayaa iwm.

Sida darteed, waxan qalinka U qaatay bal inaan ifdiimiyo taariikhda wasiirka inta aan ka aqaan ee aan ka arkay in aan umada U zoo.dhigo.

Wasiir shucayb waxan U aqaan wasiir mucjiso ah, sobobtoo ah shucayb isagoo Xoghayihii Degmada gabiley ee xisbigii Odub ah oo dhawr iyo labaatan jira ayaa xukumadii Dahir Riyaale waxay U magacawday WASIIRO DAWLAHA HAWLAHA GUUD IYO GAADIIDKA, Dhawr Sano markuu ahaa, ayuu inta wasiirkii iska casilay waxa ku biiray Xisbiga Kulmiye oo mucaarida, doorashadii madaxwaynaha ayaa dalka ka dhacday xisbiga kulmiye ayaa doorashadii ku guulaysday oo hogaankii dalka qabtay.

Xukumadii kulmiye waxa furtay hanaankii ururada, wasiir shucayb waxa iska sharaxay golihii degaanka ee gabiley xisbiga kulmiye waxa uu ku zoo baxay xildhibaan golaha degaanka Gabiley, isla markii Golihii degaanka Gabiley waxay shucayb U doorteen Gudoomiyaha golaha degaanka Gabiley oo ah maayarka Degmada Gobalka Cagaaran,

Inta ka dib, marku dhawr Sano maayarka ahaa Gabiley, hadana maayarkii inta uu iska casilay ayaa waxa loo magacaabay wasiirka warshadaha sland oo ilaa hada yahay

Hadaba anigu Markan intaasi oo mucjiso wasiirka ka arkay aad buu iga yabiyay da,da wasiir ku noqday iyo inta uu iscasilay ee go,aanka qadhaadh qaatay ee hadana kusii dalacaayo, waxa kale oo aan ku suureeyo markan garan waayay waxan gartay inHabeen dhaladyahay ayaan iyo Hooda badan.

Intaasi Hadan ku dhaafo mucjisada wasiirka oo aan U soo dhaadhaco, Wasiir shucayb hada waa wasiir firfircoon oo Oday Dhaqmeedka gobalka, Dhalinyarada, Aqoonyahanka gobalka haweenka gobalka gacanta ku wada haya waa ciroole iyo caruur si isku mida U qaabila wax kasda oo cabasho ah ama dhibaato waxa uu Kala qaban karo ayuu diyaar U yahay waa nin dhegaysda oo aan dhaafin shacbiga waa nin balanta uu qaado fuliya waa nin xafiiskiisa qof kasda oo zoo gaadha qaabila waliba waxa intaasi U dheer maqaaxida shaaha ee wasaarada horteda ayuu inta uu zoo lageeyo shaaha ka cabaa oo shacbi waynaha sland Kula sheekayda waana arimaha ku kasbaday.

Wasiirka waxan odhan karaa waqtigan ma jiro nin gobalka uga dhaw ama uga fara dhuudhuuban oo lagu bedeli karo sobobtoo ah, Aqoonta gobalka U leeyahay qof kasda waxa uu galo iyo waxa uu gudo ayuu garanayaa waxana caawinaysa in qofkasda garto maadaama maayarka degmada ahaa, waana Arinta maanta cid kasda oo aqoon badan uga aqoonta dheer yahay gobalka oo xaalad kasda oo ka jirta gobalka waa ogsoon yahay.

Sida darted, Xukumada iyo xusbil xaakimka waxan leeyahay wasiirka shucayb waqtigan ma jirto cid gobalka uga khibrad badan, haday hawlaha xukumada tahay iyo haday hawlaha xusbul xaakimka tahay Arimaha Ololaha ee la filaayo hadii ilaahay qadaro.

Isku zoo wada duuboo, wasiir shucayb waxa hadalada Huu haada ah wadaa waa siyaasi wasiir raba iyo mucaaridka oo shacabka gobalka gacanta kaga hayo, ayaa raba in sumcada ka dhaawacan si ay firaaqo U helaan gobalka ay shacabka gacanta uga dhigaan.

Siyaasiyeenta iyo inta wax magaratada ah ee wax loo yeedhiyo waxan leeyahay maalinba ninka xilka haya halal shaqeeyo, hadad ka dabaqaylisaan iyo hadad

hadad ka aamusdaanba maalinta ilaahay qadaro ayaa xilka la qaadi doona laakiin ogaada madaxtinimadu waa hibo eebe bixiyo habeen lays kama qaado, waana Habeen dhalad ayaan badan nasiib badan oo mucjiso in lagu cimro qaato U baahan .

Gabo gabo, Xukumada iyo xusbul xaakimka waxaan U sheegayaa hadalka Beenta hadii lagu calcaliyo waxa la moodaa Run ee hadalka mucaaridka kursiga wasiirnimo iyo hadalka mucaaridka Xukumada ee wasiirka lagu xagxaganayo waa hadal mucaaridku qorayo kuwa magacyadooda lagu qaro saxaafadu waa Awr kiroole ee dheg jalaq loo siin falsafadan ay adeegsanayaan waa mid awooda xukumada lagu weeqayo, wasiir shucayb ma jirto shaqada wasiirka ee qaranka U hayo cid kaga karti badan uga khibrad badan gobalka gabiley.

 ALAAH MAHADLEH.

MAWLIID AXMED JIBRIIL

xaqsheeg@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here