Daawo Muuqaal: Golaha Guurtida oo Hakiyey Xeerka Diiwaangalinta Madaniga kadib Shaki laga Muujiyey

0
875

Hargeysa , (HargeisaPress) — Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa hakiyey inay meelmariyaan xeerka Diiwaangelinta Madaniga ah oo ay dhawaan u gudbiyeen Golaha Wakiillada oo ansixiyey kadib markii xukuumadda iyo xisbiyada qaranku ka heshiiyeen khilaaf ka dhashay.

Shirguddoonka Golaha Guurtida, ayaa shaaciyey inay hakiyeen ka doodista iyo go’aan ka gaadhista xeerka Diiwaangelinta kadib markii ay soo baxeen wax-isdabamarin muujinaysa inay kala duwan yihiin nuqulka xeerkii Wakiilladu ansixiyeen iyo ka Golaha Guurtida loo gudbiyey.

Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee Golaha Guurtida Somaliland Md. Siciid Jaamac Cali oo warbaahinta la hadlay kadib fadhigii golaha ee maanta, ayaa tafaasiil ka bixiyey sababta keentay in la hakiyo xeerkan, waxaannu yidhi, “Xeerkani waxa uu ahaa mid xasaasi ah oo in badan axsaabta mucaaradka ahi ka hadlayeen qodobo ka mid ahna had iyo jeer ay duri jireen, laakiin markii ay xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradku isugu yimaadeen kulamo waxa la isla gaadhay qodobo, kuwaas oo iyagoo lifaaq ah loo soo gudbiyey Golaha Wakiillada, sidoo kale guddi ka tirsan Golaha Wakiilladu waxay aragtidoodii u soo gudbiyeen golaha. Marka la isku daro nuqulkii heshiiska ee madaxtooyadu soo gudbisay iyo nuqulkii guddiga ayuu ansixiyey Golaha Wakiilladu.

Halkan ka Daawo

 

 

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here