Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo noqday madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya

0
1058
Mohamed Abdullahi Farmajo will be the next President

Mogadishu,(HargeisaPress) —Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si rasmi u xaqiijiyay in uu noqday madaxweynaha Soomaaliya, kadib markii uu wareegii saddexaad ka tanaasulay madaxweynihii hore Xassan Sheekh Max’uud.

Max’ed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegii labaad ku soo baxay 185, hasse ahaatee markii loo diyaar garoobay wareegii saddexaad ayaa waxaa ka tanaasulay doorashada Xassan Sheekh Max’uud oo helay codad dhan 97, halka Shariif Sheekh Axmed uu helay 46 cod.

Ugu danbeyntii, lagu dhawaaqay in madaxweynaha Soomaaliya afarta sanno ee soo socta uu noqonayo Max’ed Cabdullaahi Farmaajo.

Wixii ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here