SOMALILAND: Maxkamado Xabsi Min 15 Sano Ah Ku Xukumay Toban Ruux Oo Lagu Eedeeyay Kufsi

0
1455

LAWYO-CADDO, (HargeisaPress) — Maxkamadaha gobollada Awdal iyo Selel ayaa min 15-sano oo xabsi ah ku xukumay 10-qof oo lagu eedeeyay inay geysteen kufsi dhawaantan ka dhacay magaalada Lawyo-caddo oo ku taalla xuduudda u dhexeysa Somaliland iyo Djibouti.

 

Maxkamadda ayaa sheegay in dambiga lagu helay toban qof, halka laba qof oo kalena lagu waayay dambi, waxayna tobankaasi qof lagu xukumay shan iyo toban sanno oo xadhig ah, ganaax lacageed oo dhan shan boqol oo kun Somaliland shilling ah, iyo mag dhow boqol iyo labaatan dollar oo looga qaaday inay jid dadkan tusaan iyo toddoba boqol iyo siddeed iyo toddobaadan dollar oo hablahan laga dhacay ay bixiyaan.

 

 

Guddoomiyaha maxkamadda Gobollada Awdal iyo Selel ayaa sheegay inay eedeymihii loo haystay dambiileyaashan lagu helay, isla markaana lagu xukumay xukun dheer iyo ganaax lacageed oo haddii ay iska bixin waayaan loogu bedeli doonno xadhig, isagoo xusay in si ar-xandarro ah loola dhaqmay hablahan, isla markaana maryihii iyo kabihiiba laga saaray, iyadoo maxkamaddu goobta ku soo bandhigtay dharkii haweenkan iyo kabahooga oo ay sheegeen in qaarkood iyagoo qaawan la siidaayey.

 

Si kastaba ha ahaatee, labadan hablood ee lagu kufsaday Magaalada Lawyo-caddo ayaa ka yimid magaalada Hargeysa, waxayna ku socdeen dalka Jabuuti, iyagoo Ragga kufsaday ay u kexeysteen inay jidka ka talaabiyaan, balse markii magaaladda ka baxeen ku kufsadeen, iyadoo laba wiil oo la socdayna jidh dil u geysteen, waxayna dacwadani socotay muddo bil ku dhow, ugu dambeyntiina waxa eedii lagu helay toban ka mid ah laba iyo tobankii qof ee loo soo qabqabtay falkan kufsiga ah.

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here