Goormay Muddo-kordhinta Golaha Guurtidu xaaraan noqotay? (W.Q. Garyaqaan Cabdiraxmaan Cabdi Xasan)

0
933

Waxay xisbiyada mucaaridku ku baaqeen in go’aanka muddo kordhinta golaha guurtidu tahay waxba kama jiraan.Hadaba waxa is waydiin mudan sideebuu go’aanka guurtidu u noqday waxba kama jiraan?, ma waxay ujeedaan goluha guurtida ayaan awood u lahayn muddo kordhinta.

Hadaan odhaahdayda soo koobo, golahu guurtidu waa ha’ayad ka mid ah ha’ayadah sharci dejinta ee qaranka, waa ha’ayad dastuuriya, aasaasn u ah jiritaanka qarankan, xaalado bandanna kasoo badbaadisay qarankan.

Go’aanada golaha guurtidu waa kuwo dan u ah jiritaanka qaranka, iyaga ayaana dastuurku siiyey awooda muddo kordhinta.

Muwaadin iswaydii imisa jeer ayey golaha guurtidu u kordhiyeen golaha barlamaanka?, dhinaca kale maxay go’aanadii ay golaha guurtidu ugu kordhiyeen golaha wakiilada muddo xiloodkood xaaran u noqon waayeen iyo waxba kama jiraaan?

Muwaadin dib u eeg shalay golaha guurtidu waxay ahaayeen kuwii u gurmaday Cabdiraxmaan Cirro markii barlamanku xilka ay ka qaadayeen, kana hor isteegay golaha wakiilada xilka qaadistaa iyagoo xaq u leh, guurtidu waxay kasoo saartay go’aan inaan Cirro xilka laga qaadi karin, kiibaanu Cirro maanta ku fadhiyaa gudoomiyaha golaha wakiilada.

Muxuuu gudoomiyahay golaha wakiiladu Cirro go’aankaas sharciga khilaafsan waxba kama jiraan ugu tilmaami waayey.

Waxaas oo dhan marka laga yimaado waxaan ugu baaqaya xisbiyada mucaaridka, hadday doonayaan inay duraan go’aanka golaha guurtida ha umaaran wadada sharciga u baneeyey, haka qaataan rafcaan maxkamadda sare, wixii intaa ka baxsan waxaan u arkaaa inay tahay qaran dumis.

Waxa kale oo xasuusinayaa mucaaridka inaanu madaxweynuhu awood u lahayn burinta go’aanka golaha guurtida. Dalkana bulshada caalamka wax la yidhaah kama taliyo ee waxa jirta dawlad sharciya oo doorasha ku timid, masiirka iyo ilaalinta jiritaanka qaranimadda Somaliland iyadaa ayaa ka masuula oo loo daba fadhiisanayaa.

 

 

Wabilaahi tawfiiq

Garyaqaan Cabdiraxmaan Cabdi Xasan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here