Aniga oo si joogto ah u imaada sanad kasta ugu yaraan hal mar dalkan S/land ayaa markii iigu dambaysay ee aan imaado ayaa waxa ay ahayd March, 2014, inkasta oo sanadihii 2013 iyo 2012 aan imid sanadkiiba laba jeer. Hadaba tan iyo maalintii iigu dambaysay dalkan ilaa iyo manta waxa aan arkay faraq aad u weyn oo u dhexeeya, taas oo aan manata jeclaystay in aan halkan idiinka soo gudbiyo:
Tan iyo intii aan bilaabay dib ugu soo noqoshada dalkan S/land November,1993, wakhtigaas oo uu madaxweyne dalka ka ahaa Alle ha u naxariistee Maxamed X. Ibrahin Cigaal waxa xaqiiqo ahayd in mar kasta xukuumada jirta lagu kacsanaa, caydeeda iyo dacaayadeeduna ay taalay maqaaxi kasta. Xukuumadihii ina soo maray mid kasta magacyo iyo astaamo gaara ayay dadweynuhu u bixin jireen, si ay u muujiyaan mucaaridnimada iyo meesha ay ka taagan yihiin maamulka xukuumadaas. Mcaaridnimada kolba xukuumada dalka ka talisa ayaa waxa aan odhan karaa waxa ay qayb weyn ka ahayd dimuqraadiyada ka hana qaaday dalkan curdinka ah iyo weliba isdhigasho la’aanta xukuumada markaas talinaysa. Waxa mar walba jiray xukuumad gacanta ku haysa dhaqaalihii iyo awoodii dalka, si maldahana u maamusha cuqaasha, siyaasiyiinta dhaqaaledoonka ah, aqoonyahanka rajada ka qaba in ay maamulka dalka wax ku yeeshaan oo loo magacaabo xilal, iwm. Dhinaca kale waxa mar walba jiray mucaarid aan dhaqaale badan hayn , laakiin aad u kulkulul, isla markaana haysta ama hanta qalbiyada dadka shicibka ah, run ahaantiina kaba awood badan xukuumada markaas dalka ka talinaysa oo ay xukuumaddu aad uga baqato, go’aamada ay xukuumaddu fulinaysana ay mar kasta ka eegi jirtay dhinacyo badan si aanay mucaaridku uga faa’iidaysan.
LAAKIIN, maanta waxa aan la kulmay arrin aad uga duwan wixii aan arki jiray mudadaas 22ka sanno ku dhaw ee aan joogtada ugu imanaayay dalkan S/land. Waxa iigu mucjisada badnaa ee aan arko waxaa ka mid ah: Xukuumad ay hiifayaan ama ay mucaarid ku yihiin shaqaaleheedii dawladda ee ay iyadu mushaarada siinaysay iyo mucaarid aan haba yaraatee wax saamayn ah lahayn. Si kale aan u idhaahee: Waxa la moodaa in dadweynaha badidoodu oo xataa lagu daray shaqaalaha dawlada, ciidamada qalabka sida, booliska, madaxda saree e xukuumada ay aad u karahsan yihiin amaba ay mucaarid buuxa ku yihiin xukuumadda haatan dalka ka talisa, hadana sidaasoy tahay ayna xisbiyada mucaaridku haysan haba yaraatee wax taageero ah, marka laga reebo, taageerada ku salaysan reernimada.
Su’aasha meesha taalaa waxa ay tahay sidee ayay dadku xukuumada ugu mucaarid yihiin hadana aanay u taageersanayn xisbiyada mucaaridka?
Jawaaba su’aashanu waa mid aad iyo aad u adag, una baahan fahan ka balaadhan mucaaridnimo iyo muxaafidnimo. Waxa muuqata oo aan qarsoonayn in xukuumadda haatan dalka ka talisaa ay ku fashilantay hogaankii dalka, ayna bulshada S/land ku abuurtay qabyaalad, isku dir, qaybqaybin iyo weliba rajo go’. Muran kuma jiro in ay xukuumadanu ku fashilantay dhamaanba hiigsigii siyaasadeed ee aqoonsi-raadinta qadiyada S/land, midaynta bulshada S/land, kobcinta dhaqaalaha, tirtirka ama dhimida saamaynta qabyaalada, kor u qaadida tayada waxbarashada, caafimaadka iyo werliba arrimaha bulshada sida shaqo samaynta iwm. Waa markii ugu horaysay ee ay xukuumad S/land ka jirtaa si toosa u dhiiri geliso ‘TAHRIIBKA”. Waxa aan taas uga jeedaa mar haddii xaga xukuumadda in ay qof shaqo siiso ama xil weyn u magacawdo ay uga muhiimsan tahay in uu qofku haysto baasboor European, Canadian ama American in uu hysto shahaado jaamacadeed sida BA/BS, Masters, PhD, iwm, waxa uu qof kastaa ku hamiyayaa in uu horta gacanta kusoo dhigo baasboor laga leeyahay dunica cadcad oo aanu wakhti badan ku lumin kobcinta aqoontiisa cilmiyeed iyo ku dedaalida qaadasho shahaado waxbarasho oo weyn: Marka fahankaygu waxa uu yahay in xarunta madaxtooyada S/land ay tahay xafiiska ugu weyn ee laga dhiirigeliyo tahriibka.
Hadaba iyada oo ay taasu jirto oo dhamaanba xubnihii kala duwanaa ee bulshadu aad iyo aad ugu kacsan yihiin amaba mucaarid ugu yihiin xukuumada haatan jirta ayaa hadana waxa jirta oo xaqiiqa ah in xisbiyada mucaaridka ah ee haatan jiraa (UCID iyo Wadani) aanu midnaba haysan tageero macno leh, marka laga reebo in yar oo ku taageerta ama reernimo ama dano gaar ah. Sababta ugu weyn ee aan taas u aanayn karo ayaa waxa ay tahay in ay labada xisbi ee mucaaridka ahi, labadooduba ay ku guuldaraysteen soo bandhigida ajandayaal siyaasadeed oo lagu qanci karo. Ajandaha koowaad ee ay labada xisbi mucaarid ka siman yihiin ee ay dadweynaha soo hordhigaan ayaa waxa ay tahay ” Maadaama ay xukuumada Siilaanyo ku fashilantay maamulka dalka anaga nagu bedela”. Intaas wax u raacsan oo ajande ah oo ay haba yaraatee leeyihiin xisbiyada mucaaridku ma jirto.
Maxaa ka qaldamay xisbiyada mucaaridka? Aan kala qaado labada xisbeye:
Xisbiga UCID: Xisbigan UCID waxa uu noqday xisbi uu shaqsi keliyi leeyahay, isla markaana la moodo in siyaasadiisa koowaad ay tahay: Reer S/landoow hadaad aniga idooran waydeen waxa balan iga ah in aan idinka ciidaynayo. Faysal Cali Waraabe waxa ay dadweynaha reer S/land si buuxda u diideen in uu xataa soo hawaysto kaalinta labaad. Labada doorasho ee madaxweyne nimo ee uu u tartamay. Mar kasta waxa uu ka galay kaalinta ugu dambaysa ee 3aad. Doorashooyinkii kale ee deegeenada iyo baarlamaankana waxa uu mar kasta ka galay kaalinta ugu dambay ee saddexaad. Taas ayaa la moodaa in ay cuqday iyo cadho ma guuraan ah ku noqotay Mudane FaysalCali Waraabe, marar badana la moodo in maskaxdiisa ay ku jirto woxogaa is dhaaf ah oo aan siyaasadiisa iyo hadalkiisuba degenayn. Taas marka laga yimaado Musharaxa Xisbiga UCID Jamal Cali Xuseen ayaa isna noqday run ahaan nin aad u dhex fadhiistay siyaasadda S/land kadib markii uu noqday dabajooge aan u madaxbanaanaynsiyaasada xisbia. Waxa kale oo uu lumiyay dhamaanba kalsoonidii shicibka reer S/land oo bilowgii uu aad u haystay.
Xisbiga Wadani: Waxa uu yahay xisbiga keli ah ee la odhan karo rajo ayuu lahaa, laakiin aan ka faa’iidaysan saaxada siyaasada iyo fashilanka xukuumadda Siilaanyo: Xisbigan waxa isugu soo ururay shaqsiyaad aad can uga ah siyaasada S/land laakiin dhamaantood ku shaabadaysan “ Cadalqaatayaal siyaasadeed iyo niman dantooda shaqsiyadeed’uun ka shaqeeya”. Ka tanaasul la’aanta uu Gudoomiye C/raxmaan Cirro ka tanaasuli waayay jagada Gudoomiyenimada ee Baarlamaanka, Is bahaysiga iyo qaylo dhaanta tolaayeey yaa reer hebelaay, urusiga siyaasiyiinta kasoo cadhooda xukuumadda Siilaanyo kadib marka dibedda loosoo tuuro, maamul xumada iyo kale saarid la’aanta derajooyinka xisbiga “Yaa musharax xisbiga u ah, yaa musharax ku xigeen u ah (ilaa hadda Saddex musharax ku xigeen ayaa is ag ordaya), Gudoomiyaha iyo Musaharxu ma isku hal qofbaa mise way kala baxsan yihin, maxay tahay siyaasadda xisbiga ee ku salaysan Somaliya, ajendaha siyaasada aqoonsiraadiska iyo dhamaanba qorshe la’aanta iyo ajande la’aanta xisbiga ayaa waxa ay dhaxalsiisay in uu noqdo mid ay dadweynuhu aad uga gaws qabsadan, isla markaana ay ka muujiyaan ka aaminbixid siyaasadeed oo qoto dheer. Wakhtigii uu xisbiga Kulmoiye mucaaridka ahaa waxa uu lahaa buug loo yaqaanay buugga cagaaran oo uu kusoo bandhigay ajandihiisa siyaasadeed haddii uu xukunka dalka ku guulaysto. Hadda iska daa buug cagaaran iyo ajande siyaasadeed’e xataa xisbiga Wadani ma laha sharci (Constitution) isaga laftiisa kala saara. Ma cadda awoodaha musharaxa, musharax ku xigeenka, gudoomiyaha iyo kuxigeenaddiisa, awooda xoghayaha guud, gudoomiyaha golaha dhexe, iyo weliba awooda gudoomiyaha gudida fulinta, iwm. Iskaba daa in uu soo bandhigo ajandaha siyaasadeed ee uu dalka ku maamuli karo (haddi uu xukunka ku guulaysto), waxa uu ilaa hadda xisbiga Wadani ku guulaysan kari waayay soo saaridda xeerarkii xisbiga: Taasuna waxa ay keentay in shacbiwaynaha reer S/land ka qaadaan sas siyaasadeed iyo kalsoonidaro baahsan, waana tan keentay in aanu yeelan taageerayaal baaxad leh oo aaminsan.
Waxa intaas soo raaca Golaha Guurtida oo iyagu noqday Gole aan haba yaraatee wax sumcad ah ku lahayn bulshada S/land, kadib markii ay kursiga iskaga fadhiyeen muddo 24 sanno ah, iyaga oo wakhti xileedkeedu uu yahay 6 Sanno. Waxa taas ka daran 68 xubnood oo ka mida 82ka xubnood ee uu goluhu ka kooban yahay ay ku yimaadeen sifo dhaxal ah. 14 xubnood oo keli ah ayaa kasii jooga 82kii xubnood ee lagu soo xushay odaynimada, haldoornimada iyo waxgaradnimada oo weliba intooda badanina ay la jiifaan da’ ama xanuun.
Hadaba waxa aan odhan karaa, run ahaantii waxa ay S/land gashay mudo siyaasadeed madow oo cadawga S/land ka faa’iidaysan karo, inkasta oo nasiib wanaag cadaw awood leh oo S/land halis ku ahi aanu hadda jirin. Niyadjabka siyaasadeed ee ku dhacay shicbiweynihii reer S/land waakan dhaxalsiiyay in xataa dadku ka guban waayaan cadalad-darada baahsan ee ka jirta dalka, waatan keentay in aanay dadweynuhu kala jeclayn in xukuumada loo kordhiyo 23 bilood, 18 bilood, 12 bilood, iwm. Waa tan keentay in markii ugu horaysay taariikhda S/land ay hoos u dhacdo muhiimadda waxbarashada iyo xataa rajada ay qabaan ardayda ama ka qalin jabiyay jaamacadaha dalka amaba haatan ku jira.
Waxa aan kusoo gebogebaynayaa in ay S/land noqotay dal dadkeedu wada mucaarid yahay, hadana aanu ka jirin xisbi mucaarid ah oo haysta taageero macno leh. Marka ay dadweynuhu kala garanwaayaan faraqa u dhexeeya kan maanta talinaya iyo kan soo socda, marka ay dadku kala garanwaayaan dawladnimada iyo reernimada midda awood badan, marka ay dadku kala garan waayaan runta iyo beenta, marka dadku kala garan waayaan mucaaridka iyo muxaafidka ee kii maanta muxaafidka ahaa marka xil laga eryo uu mucaaridka noqonayo, kii mucaaridka ahaana marka xil loo dhiibo uu muxaafidka noqonayo, waxaay dadweynahu gaadheen heer ay kala jeclaan waayaan kan sheeganaya xukuumda iyo kan sheeganaya mucaaridka, waayo waxa ay u arkeen in ay yihiin dar iskunooc ah oo kolba shaadh u bedelaya.
Guul iyo Gobonimo
Yusuf Budle, NURP Chairman
Hargeysa/Somaliland