Xusuustayda Xilliyadii Xuseen Sheekh Axmed Hilowle (Kaddare) (1934kii – 2015ka) Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale

0
890

Gar adkaatay, xaajada gurracan, guurti kala-maagtay,

Haddi geedka la isugu yimaad, golaha waayeelka,

Nin waliba hadduu gees damcoo, giijo madixiisa,

Wax la wada gorfeeyaba halkii, la isugeyn waayo,

Guddoonkii la wada raaci jiray, gocanayaa mooyi,

 

Maansadii Geeridii Xirsi ee Cali Jaamac Haabiil,

 

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com

 

Qormada: 4aad

 

Hargeysa, 7/2/2015ka,

 

Xuseen Sheekh Axmed oo yaqaannay Kaddare, wuxu ahaa nin dherer iyo gaabni u dhexeeya. Midab ahaan aad ayuu u madoobaa. Nin qorqoran ayuu ahaa. Timihiisu jileeca iyo adkaanta, waxay u janjeedheen dhinaca jileeca. Dib ayuu u feedhi jiray waanay seexan jireen in kasta oo ay foodda hore yar taagnayd dibna u laabmaysay, Sunnaarado dhaadheer ayuu lahaa. Waxaad moodaysay in uu wegdo aan sidaa u weyneyn lahaa. Marka uu socdo cagta dhulka toos uma dhigi jirin ee sidii wuxuu dalbo yar leeyahay ayay wax yar dibadda u kala leexan jiray. Wuxu ahaa dadka gacmaha ka socda oo aad yar moodaysay in ay yar rogan yihiin.

Kaddare, mararka uu hadlayo afka iyo gacantaba wuu is-raacin jiray. Jidh-ka-hadalka wuu adeegsan jiray oo gacmaha u badnaa. Nin kaftan badan ayuu ahaa oo mararka qaarkood qosol yar yar ku jar jari jiray. Mararka uu yar cadhaysan yahay waxaad moodi jirtay in uu debinta sare yar qalloocinayo. Inta badan qosolkiisu mid aammusan oo ilko-caddayn u badan ayuu ahaa.

Wuxu ku hadli jiray af-guriga ay adeegsadaan deegaanka uu ka soo jeeday oo uu aad iyo aad u jeclaa. Xaggaa wuxu ka ahaa Cabdille Raage Taraawil. Afka Soomaaliga, dhaqanka, masraxa iyo guud ahaanba fanka aad iyo aad ayuu u jeclaaa. Dadku uma kala ssoocnayn, da’ walba cid walba waa uu raaci jiray lana sheekaysan jiray. Cidna kama qaloon jirin, cidna ma takoori jirin. Nin wax baranayay oo aqoon-korodhsi joogta ah ku jiray ayuu ahaa.

Buugaagtiisii waxa ka mid ahaa: Warsame iyo Waa-suge. Riwaayadihiisii waxa ka mid ahaa: “Sabool dagaal uma daaho” iyo “Nimaan joogini ma jiryo.” Bal hadda u fiirsada, Kaddare ma odhan’ma jiro’ bal se wuxu yiddhi: “Ma jiryo.” Waa taas lahjaddii uu ugu jeclaa ee uu ku kaftami, ku hadli jiray, lu sheekayn, mararka qaarkoodna saaxiibkay ku haasaawi jirayba.

Si aynu wax uga ogaanno qaabkii uu u fekeri jiray bal aan soo qaadanno Deelleeydiisii 1aad oouu ugu wan-qalay: Dareen Guud, waxaanu tiriyay 28/1/1980kii. Magaalda uu markaa joogay waa Muqdisho oo ay Deelleeydu ka curatay, waxaanu yidhi:

Af daboolan dahabkii,

Maskax darartay dookheed,

Abwaan diiray doorkiis,

Nin is-diray dedaalkiis,

Murti daad ah dulucdeed,

Hadal dalab leh dabarkiis,

Sarbeeb duwan ka-duruggeed,

Danab dhacay dareenkiis,

Daah rogan dabeyshiis,

Dad is-laayey dawadiis,

Manjo daallan duugtood,

Cadaw duman duqeyntiis,

Markab degay daryeelkiis,

Qabiilnimada loo danay,

Inta diiddan dawankood,

 

Da’da kale Hadraawoow,

Duullaan cid kuma ihi,

Mana daafacayo ruux,

Dano gaar ahaaneed,

Dooni maayo mana rabo,

Ways kala da’ weynahay,

Taydu waa Dareen guud,

Wax aan diidayaa jira,

Oon layga karin daa,

Ilaa aan ka dabar-jaro,

 

Afartaa ma wada degay?

Taar ma diray digniin sida?

Dersi kalena iga maqal,

Daacadoow dad ma ekee,

Duddo magac wadaagtoo,

 

Summaddeeda duwatoo,

Ceel doox ka qodatoo,

Duunyada ka shubatoo,

Doorkeedu taliyoo,

Maatada daryeeshoo,

Is-kaashiga danaysoo,

Dadnimada xushmaysoo,

Daaqiyo waraabkiyo,

Ku dagaasha guurkoo,

Isu disha qabiilnimo,

Waa dariiqa noloshoo,

Dadkoo idili soo mare,

Diiwaankina u buuxsamay,

 

Dabadeedna waxa yimi,

Dedaalkii aqoontoo,

Cilmi diiradda u sido,

Dabeecadna adeegsaday,

Dayaxana u sahan tegay,

Doorkii kaloo xigay,

Dabaqadaha loollama,

Oo danaha kala duwan,

Ku dagaallamaa yimi,

Waxa daahiraya ugub,

Marka xigana waa duug,

Waa duni cajaa’ib ah,

 

Dood kalena waxay tahay:

Inta uu degmiyo gobol,

Dalku magacyo leeyahay,

Doox godanya buur iyo,

Deex bariyo hawd iyo,

Doog iyo abaar iyo,

Daaq iyo dhir leeyahay,

Duunyadu irmaan tahay,

Digirtiyo galleyduna,

Gu’ya deyr ka baxayaan,

Dadku beeraley iyo,

Duul reer magaaliyo,

Misna duunyo dhaqatiyo,

Dan-wadaagto kala yahay,

Oo daartu dhagax tahay,

Aqal derinya udub yahay,

Deriskeennu Xabash yahay,

Dalka maqan xoreyn yahay,

(La soco berri, haddii Eebbe idmo)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here