Xukuumadda Somaliland oo Shirkadaha Isgaadhsiinta kala shirtay Ajaaniibta soo galootiga

0
1880

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasaaradda arrimaha Gudaha Somaliland, ayaa maanta kulan isugu yeedhay masuuliyiinta shirkaddaha isgaadhsiinta ee dalka ka jira.

Kulanka oo ka qabsoomay xarunta wasaaradda arrimaha Gudaha, ayaa waxaa guddoominayay Agaasimaha guud ee Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Mubaarik Axmed Cali.

Kulanka, ayaa waxaa lagaga wadahadlay sidii shirkaddaha isgaadhsiintu qayb uga qaadan lahaayeen xakamaynta dadka ajaaniibta ah ee sharci darrada ku soo gala dalka.

Waxana kulankan la iskula qaatay in la adkeeyo qaabka shirkadaha Isgaadhsiintu ay dadka soo salootiga ah ugu furaan Simcard-ka nemberada.

Labada dhinac, ayaa go’aan ku gaadhay in hada ka dib Simcard-dhada aan loo furi karin qof sharci haysta mooyaane qof kale.

Wasaaradda arrimaha Gudaha, ayaa sheegtay in iyada oo kaashanaysa Hay’adaha kale ee shaqada ku leh arrintan ay ku daba geli doonaan shirkadaha Isgaadhsiinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here