Xukuumadda Somaliland oo sheegtay in Wasiirkii hore Gaashaandhiggu jebiyay Ciidamada Qaranka

0
1593

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddoomiyaha hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha qaranka Somaliland Cabdikariim Axmed Maxamed Xinif, ayaa eedaymo culus u jeediyay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye Farriid.

Guddoomiyaha hay’adda Qaxootiga, ayaa ku eedeeyay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland in qayb ka ahaa shaqsiyaadkii jebiyay Ciidamada Qaranka Somaliland.

Xinif, ayaa sheegay in Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Cabdiqani Caateeye Farriid, uu mas’uul ka ahaa in la qab qabto tiro ka tirsan Ciidamada Qaranka Somaliland dagaalkii Laascaanood.

Waxaa uu sheegay in wasiirkii hore si khalad ah warbaahinta u mariyay in laba guuto oo ka tirsan Ciidanka ay lumeen kadibna Ciidankii la raadguray oo la qabqabtay.

Guddoomiyaha hay’adda Qaxootiga, ayaa intaasi ku daray in wasiirku xilligaasi hoosta kala shaqaynayay xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.

Waxaa uu sidoo kale eedaymo u jeediyay xubno hore xilal wasiirnimo uga soo qabtay xukuumadihii kala dambeeyay ee xisbiga Kulmiye oo hada ka mid ah xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.

Guddoomiyaha hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha qaranka Somaliland Cabdikariim Axmed Maxamed Xinif, ayaa hadalkan ka sheegay xaflad uu xisbiga Kulmiye caawa ku soo dhaweynayay taageerayaal ku soo biiray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here