Hargeysa,(HargeisaPress) —Hay’adda Qurbajoogga ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL ayaa bogaadisay dhammaan Jaalliyadaha Somaliland ee u debbaal degay Xuska Sannadguurada 28aad JSL 18 May ee 2019.
Hay’adda Qurbajooggu waxay sheegtay in Munaasibadda 18ka May laga xusay UK, Germany, Finland, Sweden, Norway, Denmark, Belgium, Holland, France, Italy, Ireland, Canada, USA, Djibouti, Kenya, South Africa, Imaaraadka, Kuwait, iyo Australia.
Sidaasna waxa lagu sheegay War-saxaafadeed uu soo saaray Agaasimaha Fulinta Hay’adda Qurbajoogga Xasan Axmed Yuusuf, oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Wakaallada Wararka Somaliland ee SOLNA, waxaanay caddeeyeen in 38 Magaalo oo ku kala yaalla 28 dal laga xusi doono 28 guurada ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada madax-bannaanida Somaliland.
Sidoo waxa Wasaaradda Arrimaha dibaddu ay dhaqaale ku taageertay xafladaha ay ardayda Jaamacadaha wax ka bartaa ay ku qabanayaan dalalka Suudaan, Itoobiya, Malaysia, Hindiya iyo Uganda