Hargaysa (HP): Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay sheikh Aadan Warsame (Aadan-sunne), oo maalmahanba la raadinayay, halka bulshaduna ay isla dhex maraysay in dawladdu ay xidhay.
Hase yeeshee wasiirka ku xigeenka amniga ee wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland oo arrintaasi ka hadlay ayaa sheegay in aanay xukuumadu xidhan sheikh Aadan Sunne.
Balse ay rumaysan yihiin sheekha iyo qoyskiisiiba ay u baxsadeen dhinaca koonfurta Soomaaliya, isla markaana ay xaqiijiyeen inuu u gudbay degaamadda ay Alshabaab ka taliso.
Cabdilaahi Xuseen Maxamed, wasiir ku xigeenka amniga gudaha Somaliland waxa kaloo uu sheegay in ay baadhitaan haayadaha amaanku ku wadaan cidii ku gacan siisay in sheekhu uu Hargaysa ka baxo.
Daawo: Shirka Jaraa’id Ee Wasiir Ku Xigeenka oo Dhamaystiran:
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.