Xukuumadda Somaliland oo Ka Hadashay Geerida Madaxweynihii Iran

0
1254

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xukuumadda Somaliland, ayaa waxaa ay ka hadashay geerida Madaxweynihii Iran Ebrahim Raisi iyo Wasiirkii arrimaha dibadda Hossein Amir-Abdollahian oo ku geeriyooday shil diyaaradeed.

Xukuumadda Somaliland, ayaa dhambaal tacsi ah u dirtay dowladda iyo shacbiga Iiraan oo ay ka tacsiyadaysay shilkii diyaaradeed ee ay ku dhinteen madaxweyne  Ebrahim Raisi iyo Wasiirkii arrimaha dibadda Iiraan Hossein Amir-Abdollahian.

Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr. Ciise Keyd Maxamuud, ayaa waxaa uu dhambaal tacsi ah oo  u diray shacbiga iyo dawladda Iiraan.

Wasiirku wuxuu sheegay isagoo ku hadlaya magaca Xukuumadda Somaliland uu tacsi tiiraanyo leh u diray shacbiga iyo xukuumadda Iiraan, waxaanu uga tacsiyadeeyay diyaaradii ay ku dhinteen madaxweynihii iyo wasiirkii khaarajiga Iiraan.

Wasiir Ciise Keyd wuxuu Eebe uga baryay inuu naxariistii jano ka waraabiyo madaxda ku dhimatay diyaaradaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here