Xukuumadda Somaliland oo Joojisay In Jaamacaddo Cusub Laga Furo Dalka

0
1286

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xukuumadda Somaliland, ayaa waxaa ay shaacisay inay gebi ahaanba joojisay in Jaamacaddo cusub laga furo magaalooyinka dalka, iyadoona xaddideysa Jaamacadaha iyo Ardayda ka baxa Dugsiyada sare.

Xukuumadda, ayaa waxaa ay arrintan ku sababaysay in ujeeddada laga leeyahay ay tahay in la ilaaliyo tayada Waxbarashada ay Jaamacadduhu bixiyaan, sida uu sheegay Guddoomiyaha Koomiishanka Tacliinta sare ee Somaliland.

Guddoomiyaha Komishanka tacliinta sare ee Somaliland Prof. Saleebaan Dirir Cabdi, ayaa sheegay in ay khasab ka dhigayaan sannadkan in ardayda jaamacadaha gelaya ee dugsiyadda sare ka soo baxda ay muddo sannad ah bartaan luuqda Ingiriiska ka hor inta aanay bilaabin waxbarashada jaamacaddaha.

Waxaa magaalada Hargeysa maalintii labaad ka socda Shirweynaha 7aad ee qiimaynta waxbarashada qaranka, waxaana halkaa lagu lafo gurayaa sidii loo tayayn lahaa waxbarashada sidoo kale wax ka badel iyo dib u eegis loogu samayn lahaa manhajka dalka.

Waxaa sidoo kale madasha shirka laga jeediyay talooyin ku saabsan hababka ugu wanaagsan ee loo marayo tayaynta waxbarashada.

Madasha shirka, ayaa waxaa lagu soo bandhigay macluumaad ku saabsan tayada Waxbarashada iyo halka laga filayo in lagu bixiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here