Xukuumadda Somaliland oo cambaaraysey hadallo ka soo yeedhay Maamulka Muqdisho

0
2386

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xukuumadda Somaliland, ayaa cambaaraysay hadalladii dhawaan ay maamulka Muqdisho kaga hadleen Qarammada Midoobay ee ku wajahnaa doorashooyinka madaxtooyada iyo ta ururrada siyaasadda ee dhawaan ka qabsoomi doonta Somaliland.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Arrimaha dibedda Somaliland, waxana xukuumadda Somaliland ay hadallada maamulka Muqdisho ku tilmaantay qaar aan sal iyo raad  lahayn oo la xidhiidha sheegashada joogtada ah ee maamulka sharci darrada ah ee Soomaaliya ay wax ugu dhimayaan xuquuqda dimuqraadiyadda iyo madaxbannaanida shacbiga JSL.

Wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland, waxa ay xustay in maamulka Muqdisho ay xukumaan qayb yar oo ka mid ah waddankooda oo ay hadhaysay xasilooni darro, iyadoo qaybo badan oo ka mid ah Soomaaliya ay xukunto maleeshiyada Alshabaab.

Xukuumadda Somaliland waxa ay bayaamisay in aanay maamulka Muqdisho sharci ahaan iyo xukun ahaan midna ka hadli karin arrimaha gudaha Somaliland.

Waxa kaloo xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ku dooday in maamulka Muqdisho ay ku fashilmeen inay waddankooda ka qabtaan doorashooyin daahfuran oo loo dhan yahay, iyadoo doorashooyinkoodu aanay ahayn qaar “qof iyo cod ah” oo dadweynuhu ka qaybgalaan, isla markaana ay wax lagu qoslo tahay in rijiimka noocaas ahi uu ka hadlo hannaamka dimuqraadiyadda Somaliland ee sida wanaagsan u agaasiman.

“Somaliland waa dal  dhaqan u leh nidaamka dimuqraadiyadda oo dadkiisuna ay xaq u leeyihiin aayo-ka- tashigooda,” ayaa lagu yidhi  warmurtiyeedka Wasaaradda arrimaha dibadda.

Xukuumaddu waxa ay intaas ku dartay in shacbiga Somaliland ay soo dooran doonaan madaxweynahooda iyo xisbiyadooda siyaasadda 13ka November 2024ka.

Xukuumadda Somaliland waxa ay shaacisay in maamulka Muqdisho aanu wax door ah ku lahayn nidaamka doorashooyinka Somaliland, isla markaana ka hadli karin mustaqbalka Somaliland.

Dawladda Somaliland waxa ay ugu baaqday xukuumadda Muqdisho inay ku foognaato furdaaminta ququlatooyinka ka jira dalkooda, oo ay soo celiyaan nabada iyo xasiloonida dalkooda, inta ay ka hadlayaan arrimo ka baxsan maamulkooda.

“Jamhuuriyadda Somaliland way sii wadi doontaa jidkeeda dimuqraadiyadda, xasiloonida iyo horumarinta,” ayaa lagu yidhi warsaxaafedeedka xukuumadda.

Ugu dambayn, xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay xaqiijisay in  aanay ogolaan doonin wax farogelin dibadeed ah iyo cid qas ku samaysa hadafkeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here