Hargeysa,(HargeisaPress)– Waxaa Manta ka qabsoomay Xarunta Guud ee Hay’adda Caymiska Qaranka JSL Shir Muhiim ah oo u Gudoomimayey Gudoomiyaha Hay’adda Caymiska Qaranka Mudane Axmed Xirsi Ducaale oo ay Weheliyaan Gudoomiye ku Xigeenka HCQ Mudane Abdirashiid Saleeban Mohamed iyo Agaasimaha Guud Ee HCQ-ka Mudane Abdisalan M. Mahamoud.
Shirkani oo ay kasoo qayb galeen Shirkadaha Caymiska ,Dilaalinta(Brokers) iyo Wakiilada.
Kaas oo daarana Soo dhawaynta Maamulka Cusub ee Hay’adda Caymiska Qaranka iyo Barasho Guud, Xoojinta wada-Shaqaynta Shirkadaha Caymiska iyo Hay’adda Caymiska Qaranka.
Shirka Waxaa lagu falan-qeeyay Qodobo Muhiim ah oo La xidhiidha Horumarinta Caymiska
Masuuliyiinta sare ee Hay’adda Caymiska Qaranku waxay si weyn u sheegeen in hay’addu ay fulin doonto waajibaadka ay Shuruucdu farayaan, oo dhawaan la dhaqan-gelin doono dhamaan adeegyadii Caymiska ee ay bixinayaan Shirkadaha Caymisku.
Ku dhaqan-galka Waajibaadka Shuruudaha xeerku dhigayo ee Shirkadaha Caymiska. kuwaas oo ay ka Mid yihiin.
1.In Hay’adda Caymiska Qaranku Fulinayso Waajibaad-keeda Shirkadaha Caymiskuna Soo dhaweeyen.
2.In Hay’adda Caymiska Qaranka iyo Shirkadaha Caymisku ka wada shaqeeyaan horumarinta & Kobcinta Suuqa Caymiska.
3. In Hay’adda Caymiska Qaranka iyo shirkaduhu isla eegaan caqabadaha jira xal-waarana kasoo saaran.
4. In wacyi-gelinta bulshada ee Caymiska la siiyo Mudnaan gaar ah, Shirkadaha Caymiskuna qaybtooda qaataan.
5.In La bilaabo Caymiska Gaadiidka Madama u Waajibiyey Xeerka Hay’adda Caymiska Qaranku.