Xukuumadda oo Jawaab Ka Bixisay Hadalo Ka Soo Yeedhay Xisbiga Waddani

0
695

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka Wasaarada Xidhiidhka Golayaasha iyo arrimaha Dastuurka Jamhuuriyadda Somalilnad Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni, ayaa jawaab ka bixiyay hadalo ka soo yeedhay Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani.

Wasiir Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni oo u waramayay Warbaahinta Dowladda Somaliland, ayaa waxaa uu sheegay in eedaymaha Xisbiga Waddani u soo jeediyeen Xukuumadd ay la mid yihiin kuwii ay awalba caadaysteen ee madhalayska ahaa.

Wasiirka Wasaarada Xidhiidhka Golayaasha iyo arrimaha Dastuurka Jamhuuriyadda Somalilnad Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni oo arimhaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Xisbiga Waddani iyo eedayntiisu waa tii ay awalba caadaysteen, waa caadadoodii iyo wixii awalba ay la soo taagnaayeen, Dekeda Berbera ee ay shirkadda DP World maalgalinaysay waa kii Cabdiraxmaan Cirro ku dhawaaqay in Maxkamad la soo taago Madaxweynihii hore Axmed Silaanyo iyo Guddoomiyihii Xisbiga Kulmiye ee wakhtigaas ahna Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.”

Wasiirka Wasaarada Xidhiidhka Golayaasha iyo arrimaha Dastuurka Jamhuuriyadda Somalilnad Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni waxa uu intaasi ku daray “Maanta in ay yidhaahdaan Maxkamad ha la soo taago Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Dekeda Lughaya ayaa la dhisayaa. barina waxa aad arki doontaan marka Dekeda Lughaya la furayo way tagi doonaan, waana eedayn madhalaysa oo ay u soo dhiibaan kuwooda jahliga ka ah horumarka dalka oo aanay jirin wax aqoona oo ay leeyihiin oo ka aradan damiirka wanaagsan. markaa horumarka dalku wuu soconayaa, Dekedii Lughaya waa bilaamatay, horumarka kale ee dalkuana wuu soconayaam difaaca dalka wuu sugan yahay. waxaana Xisbiga Kulmiye lagu dooran doonaa mar saddexaad wixii uu dalka gashaday iyo difaaca qaranimada, kuwii nabada kharbudayay ee nabada hala ilaaliyo ka Xanaaqaya, waxaana ay aragti kala yihiin Xasan Sheekh”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here