Xukuumadda oo beenisay warar laga-faafiyay qalabka baadhista kontenarrada ee Dekedda Berbera

0
1418

Berbera (Hargeisa Press)- Wasaarada horumarinta Maaliyadda Somaliland, ayaa beenisay warar laga faafiyay qalabka baadhista kontenarrada (container scan) ee lagu soo kordhiyey Dekeda Magaalada Berbera.

Qalabkan lagu soo kordhiyay dekedda Berbera, ayaa lagu ogaanayaa badeecadaha kontenarrada ku jira, wuxuuna sahli doonaa adeegyada ay qabato dekedda Berbera ka hor inta aanu kontenarku dekedda ka bixin, iyadoona lagu ogaanayo waxyaabaha ku jira kontenarrada.

Hadaba, qoraal ka soo baxay Wasaaradda Maaliyadda, ayaa waxa lagu sheegay in qalabka baadhista konteynarrada lagu horumarinayo adeegga dekedda, isla markaana ay xaqiiqda ka fogtahay wararka laga faafiyay.

Warka qoraalka ah ee ka soo baxay wasaaradda Maaliyadda, ayaa u dhignaa sidan:-

“Warsaxaafadeed.

Waxa maalmahan dambe baraha-bulshada lagu baahiyey warar xaqiiqada ka fog oo ku saabsan Aalada baadhista kontenarrada (container scan) ee lagu soo kordhiyey Marsada Caalamiga ah ee Berbera, kaas oo qayb ka ah dedaalada lagu horumarinayo adeegga Dekedeena.

Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL. waxay guud ahaan bulshada iyo ganacsatada wax kala soo degta ama wax ka dhoofisa Marsada Caalamiga ah ee Berbera u cadaynaysaa in shirkada Sahal-TECH ee eedda loo jeediyay iyo cid kale oo lagu naas-muujinayo adeega qalabkan cusubi aanay jirin, balse uu qalabkani qayb ka yahay casriyeynta iyo fududaynta habsami-u-socodka shaqada, si la mid ah dekeddaha dunida.

Adeegsiga Aaladda Baadhista (Scan) ee la soo kordhiyey waxa uu wax wayn ka tari doonaa

  1. Fududaynta hawshii baadhista badeecaddaha (tafniida) oo uu boqolkiiba todobaatan (70%) yaraynayo.
  2. Madhxinta wakhtiga iyo baadhistii gacanta ahayd oo meesha ka baxaysa, hadii aanu scan-ku wax shaki leh ka muujin.
  3. Ilaalinta amniga iyo badbaadada guud ee dalka iyo wadamada badeecaduhu u gudhayaan.
  4. Badeecadda oo toos uga baxda marka ay is waafaqaan cadaynta badeecadda (declaration) ganacsatada iyo natijjada scan-ku soo saaro lyada oo laga baaqsan doono baadhistii badeecadda (Tafniida) iyo waliba burburkii soo gaadhi jiray xilliga baadhista.
  5. Ganacsatada waxa u baaqanaya kharashkii kaga bixi jiray xamaalista badeecadda xilliga baadhsita.
  6. Ilaalinta cashuurta oo qalabkani sheegi doono nooca badeecada kontaynarka ku jirta.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here