Xukuumadda Madaxweyne Biixi oo shirkii ugu dambeeyey yeelatay

0
1709

Hargeysa (Hargeisa Press)- Kal-fadhigii 134-aad ee golaha Wasiirrada Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa lagaga dooday qodobbo kala duwan oo ku saabsan xaaladda guud ee dalka, guusha doorashooyinkii xukuumaddani dalka ka hirgelisay iyo diyaargarowga waqtigan kala guurka ah ee la galay.

Shirka kaddib waxa warbaahinta la hadlay Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta, ahna afhayeenka xukuumadda Somaliland, Cali Xasan Maxamed (Cali Marreexaan), waxana uu faahfaahiyey qodobbadii shirku ku saabsanaa iyo waxyaabihii sida gaarka ah diiradda loogu saaray.

Wasiirku, waxa uu xusay in goluhu ugu horrayn bulshada u caddeeyey in xukuumaddu dusha u ridatay dhammaanba hawlihii iyo culaysyadii ay lahaayeen doorashooyinkii isa saarnaa ee Madaxtooyada,xis biyada, Golayaasha Deegaanka iyo Wakiillada, si loo dhiso oo loo adkeeyo dhismaha qaranka, dhidibadana loogu taago dawladnimada, iyada oo doorashooyinkaasi bileen korna u qaadeen maqaamkii Jamhuuriyadda Somaliland dunida inteeda kale ka taagnayd.

Goluhu waxa uu si mug iyo miisaan leh ugu mahadnaqay taageerayaashii baaxadda lahaa ee xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisaba codka siiyey iyo shacabka reer Somaliland ee muddada 14-sanno ah masiinkooda iyo taladoodaba ku aaminay xisbiga guunka ah ee KULMIYE.

Goluhu waxa uu bogaadiyey soona dhaweeyey sumcadda iyo guusha ay soo hooyeen doorashooyinkii hufnaa ee dalka ka qabsoomay ee Xukuumaddu gadh-Wadeenka ka ahayd oo sare u qaaday maqaamkii Iyo sharaftii ay Somaliland dunida ku lahayd.

Wasiir Cali Marreexaan waxa uu caddeeyey in goluhu isla qaatay in sidii horeba loogu yaqaanay xisbiga KULMIYE isu diyaarinayo xisbi mucaarid ah oo si waayeelnimo, xilkasnimo iyo tudhaale ku jiro wax u mucaarida oo mucaaradaddiisu noqoto mid wax dhista.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo kelmedo kooban oo dardaaran iyo hogo-tusaalayn isugu jira shirka ka jeediyey, ayaa ugu horrayn u mahadnaqay golihiisa Wasiirrada iyo sida hagar la’aanta ah ula soo shaqeeyey, isaga oo guul weyn oo taariikhi ah ku tilmaamay sharafta iyo sumcadda ay doorashooyinkii isa saarnaa oo kharashkii ku baxayey 90% (Boqolkiiba Sagaashan) dusha u ridatay usoo hooyeen Somaliland iyo shacabkeedaba.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu farriin waayeelnimo ah u diray bulshada reer Somaliland mucaarid iyo muxaafid ba waxana uu labada dhinacba ugu baaqay inay cagta u dhigaan oo ka fiirsadaan jidka ay qaadayaan, maaddaama oo doorashooyinkii laga soo gudbay, waxana isaga oo mucaardka dhawaan talada la wareegaya la hadlaya uu yidhi, “Qolyaha mucaaridka ahaa waxan leeyahay doorashadii waad hesheen, waana aannu idin hambalyeynay, qaran inaynu dhisno ayeynu u jeednaaye idinka hadal dambe oo mucaaridnimo iyo turxaan lihi idiin ma bannaano ee dib isugu noqda.”

Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale la hadlay taageerayaasha xisbiga KULMIYE iyo madaxdoodaba, waxana uu ugu baaqay inay fursad siiyaan dawladda dhawaan xisbiga guulaystay soo dhisi doono oo ay baxnaaniyeen,“Qolada KULMIYE waxan leeyahay haddii doorashadii la inaga helay shalay iyo dorraadba waynu helnay, qaran baynu dhisaynaa, welina xilkii maynu wareejin oo innagaa hayna, markaynu xilka wareejinana muddo ayeynu ka dhur sugaynaa sida maamulka dawladdu  noqdo oo ummushaba waa la Afartan bixiyaa, dawladahana waa la baxnaaniyaa Boqolka cisho ee u horreeyee in hadal dhegaha u daran ama Somaliland wax yeelayaa idinka yimaaddo waa mamnuuc,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here