Hargeysa, (HargeisaPress) —Ciidamada Booliska Somaliland ayaa Xabsiga u taxaabay Ganacsade Cumar Caydiid.Ma jiro war rasmiya oo ka soo baxay Ciidamada Booliska Somaliland oo la xidhiidha Xadhiga Ganacsadahan iyo waxa uu geystay.
Xadhiga Ganacsade Cumar Caydiid ayaa lala xidhiidhinayaa, kadib markii uu dib u soo laba kacleeyay murankii ka dhashay tiyaatarkii Magaalada Hargeysa oo uu dhismihiisa waday Ganacsade Cumar Caydiid.
Sidoo kale arrintan ayaa timid ka dib markii ay ganacsadaha iyo xukuumadu isku khilaafeen baarkinka baabuurta la dhigo ee Tiyaatarka magaaladda Hargeysa oo uu ganacsade Cumar Caydiid maalgalin badan ku bixiyey isla markaana dhismihiisu mudo sanado ah socday, balse xukuumada Siilanyo ay Baarkinkiisa soo siisay xubno Salaadiin ah, taas oo uu ka biyo diiday isaguna, ayna sababtay in xabsiga loogu taxaabo diidmadaasi.
HargeisaPress News Desk — Hargeysa