Xisbullah oo weerar ku qaaday Guriga Raysal Wasaaraha Israel

0
707

Qaysariya (Hargeisa Press)- Dagaalyahannada Xisbullah, ayaa maanta oo Sabti ah weerar lama filaan ah ku qaaday guriga uu deggan yahay raysal wasaaraha Israel Benaymin Natanyahu oo ku yaalla magaalada Qaysariya ee ku taalla xeebta badda cad ama mediteraaniyaanka, sida lagu xaqiijiyay war ka soo baxay xafiiska raysal wasaaraha Israel.

Weerarkan oo Xisbullah u adeegsadeen diyaaradaha nooca bilaa duuliyaha ah, ayaa ka soo kacday masaafo 70km ah iyada oo si toos ah u beegsatay hadafkeeda oo ahaa aqalka uu deggan yahay Benyamin Natanyahu.

Warar uu soo tabiyay Janaalka 12 ee Israa’iliyiinta, ayaa sheegaya in Natanyahu iyo xaaskiisu aanay joogin guriga, basle ma jiraan ilo madax bannaan oo arrintaa xaqiijinaya.

Weerarkan, ayaa la sheegayaa inuu baqdin iyo aragagax ku keenay taasoo laga arki karo sida ay uga hadlayaan warbaahintoodu iyo baraha bulshada ee dadku ku wada xidhiidhaan, kadib weerarka ay ku guulaysteen ururka Xisbullah inay ku bartilmaameedsadaan guriga uu deggan yahay raysal wasaraha Israel Natanyahu.

Weerarkan, ayaa imanaya xilli ay soo baxayen warar sheegaya in ururka Xisbullah ay weerar baahsan oo ay u adeegsanayaan gantaalo iyo diyaaradaha bilaa duuliyaha ah ku qaadayaan magaalooyinka iyo degmooyin badan oo ka tirsan Israel.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here