Xisbullah oo duqaysay saldhig ay Isra’il ku leedahay Suuriya

0
557

Dimishiq (Hargeisa Press)- Ururka Xisbullah ee Lubnan ee taageerada ka hela Iran, ayaa sheegay in ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku weerartay saldhigga Isra’il ee Buura Hermon oo ku yaalla buuralayda Golan Heights ee Suuriya ee ay heysato Isra’il.

Buurta Hermon, ayaa waxaa ku yaalla saldhig muhiim ah oo ay Isra’il u isticmaasho ilaalinta mandaqadda gaar ahaan howlaha basaasidda iyo difaaca cirka.

Isra’il, ayaa halkaasi si gaar ah uga ilaalineysay dhaq-dhaqaaqa Suuriya, Ciraaq, Urdun iyo qaybo ka mid ah Sacuudiga tan iyo 1973-di, markaas oo uu dhacay dagaalkii Isra’il iyo Carabta.

Xisbullah waxay sheegtay in weerarka bam ee ay ku qaadday Buurta Hermon uu ahaa kii ugu horreeysay, tan iyo marki ay iyada iyo Isra’il billaabeen in ay madaafiic is weydaarsadaan 8-dii bishii October, maalin kaddib marki ay Xamaas weerartay koofurta Isra’il, weerarkaas oo dhaliyay duullaanka ay Isra’il ku qaadday Gaza.

Xisbullah, ayaa sheegtay in ay joojin doonto weerarada ay ku heyso Isra’il, marka ay Isra’il joojiso dagaalka ay ka waddo Gaza.

Ciidanka Isra’il, ayaan weli war ka soo saarin duqeynta ay sheegtay in ay Xisbullah ku qaadday saldhiga Isra’il ee Buurta Hermon ee dhulka la hasto ee Golan.

Reuters

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here