Hargeisa (Hargeisa Press)- Xisbiyada mucaaridka Somaliland ee Ucid iyo Waddani ayaa si adag uga hadley Ganacsato iyo Dhalinyaro ka soo jeeda Somaliland oo maalmihii u dambeeyay ku xidhnaa magaalada Muqdisho.
Masuuliyiin ka tirsan xisbiyada Ucid iyo Waddani oo maanta si wada jir ah warbaahinta ula hadley ayaa waxaa ay sheegeen muwaadiniintaasi u dhashay Somaliland ay sifo sharci daro ah ku xidhan yihiin.
Waxaa ay sheegeen in Ganacsatada iyo Dhalinyarada ka soo jeeda Somaliland ee ku sugan magaalada Muqdisho ay dhibaato iyo cabudhin kala kulmaan dawladda Soomaaliya, iyadoo loo adeegsanayo awooda dawladnimo.
Xoghayeyaasha warfaafinta iyo Beeraha ee Ucid iyo Waddani ayaa sheegay in mudo dhowr maalmood ah laba muwaadin oo Ganacsato ah oo lagu kala magacaabo Maxamed Cawaale iyo Khadar Xadhigle in awood dawladnimo loogaga haysto ganacsigoodii ay ku lahaayeen magaalada Muqdhiso.
Xoghayaha warfaafinta xisbiga Ucid ayaa dawlada Soomaaliya ugu baaqay in si shuruud la’aan ah ay xoriyadooda iyo ganacsigooda ugu soo celiso labadan muwaadin ee ka soo jeeda Somaliland, isagoona sheegay in maadaama ay bulshada Soomaaliyeed ee meel wada jooga lookala faquuqin hab qabiileed.
Sidoo kale, Xoghayaha Beeraha xisbiga Waddani ayaa sheegay in arintani ay u muuqato mid faquuq ah oo Ganacsatadaa iyo dhalinyaradaasi loo gaystay, waxaana uu wax aan la aqbali karin oo aan is qabanayn ku tilmaamay in marna la adeegsado kalmada Soomaalinimo, marna awooda dawladnimo shaqsiyaad gaar ah lagu bartilmaameedsado.
Hoos ka daawo muuqaalka
Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.