Xisbiyada iyo Ururrada Somaliland oo aqbalay in Sawirka-Isha lagu galo Doorashada

0
1625

Hargeysa (Hargeisapress) – Guddida Doorashooyinka Somaliland, ayaa Maanta xaruntooda kulan ugu qabtay dhammaan daneeyeyaasha Doorashooyinka, gaar ahaan Guddida hawlgelinta ee Xisbiyada iyo Ururrada Siyaasadda Somaliland.

Kulankan oo hore loogu ballansanaa in la qabto, kadib marka la soo dhammeeyo hawlgalka tijaabbada Nidaamka Hubinta Cod-bixiyeyasha IRIS- BVVS oo Komishanka ka fuliyey Afar (4) goob-doorasho oo kala ah Carro-garanuug oo Boorama ka mid ah, Ceel-xume oo Oodweyne ah, Geeddi-haan oo Burco iyo Jaamacadda Hargeysa.

Kulankaas, ayaa aad loogu lafo-guray guud ahaan hawlaha diyaargarowga doorashada, gaar ahaan Nidaamka Hubinta Codbixiyeyaasha Biyoomitrigga ah ee IRIS BVVS.

Waxaana ay dhinacyadu ku wadaageen xogihii iyo warbixinihii ka soo baxay tijaaboyinkii la qabtay.

Ugu danbayn, guddida Dorashoyinka qaranka Somaliland iyo dhammaan Madaxda Xisbiyada iyo Ururrada Siyaasadda Somaliland, ayaa waxay ku heshiiyeen in Nidaamka Hubinta Codbixiyeyaasha ee IRIS-BVVS, laga hirgaliyo Lixda Magaalo-madax ee Goballada dalka Somaliland doorashooyinka Madaxtooyada iyo Xisbiyada Qaranka ee 13 November 2024.

Arrintan, ayaa ka dhigan in xisbiyada mucaaridku ogolaadeen nidaamka sawirka bu’da isha oo ay hore u diideen in lagu galo doorashooyinka.

Hase yeeshee, wax faah-faahin ah lagama bixin sababta keentay in sawirka bu’da isha loogu koobo magaalooyinka waaweyn ee dalka oo dhan looga wada hir gelin waayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here