Boorama: Agaasimaha Wasaaradda Qorsheynta oo daahfuray kulan lagaga-hadlayay Xeerka Ururrada Samo-falka

0
733

Boorama (Hargeisa Press)- Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorshaynta iyo horumarinta qaranka Somaliland Maxamed Cabdillaahi Ducaale, ayaa maanta magaalada Boorama ka daah-furay kullan lagaga hadlayay dib u eegista Xeerka Ururrada Samo-falka ee aan dawliga ahayn ee ka hawlgala Somaliland.

Kulankan, ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta wasaaradda Qorsheynta qaranka, hay’addaha caalamiga ah, kuwa maxaliga ah, isu-duwayaasha laamaha dowladda ee gobolka Awdal iyo masuuliyiinta golaha deegaanka ee gobolka Awdal.

Ugu horayn waxaa kulankaasi hadal ka jeediyay Agaasimaha waaxda diiwaangelinta ee Hay’addaha caalamiga ah iyo mashaariicda ee Wasaaradda Qorsheynta qaranka, Ifraax Xasan Muuse, Agaasimaha waaxda xidhiidhka gobolada ee Wasaaradda Qorsheynta qaranka Cabdillaahi Axmed Xirsi iyo Isuduwaha wasaaradda Qorsheynta qaranka ee gobolka Awdal Cabdillaahi Iid Ibraahim, iyagoona si qoto dheer uga warbixiyay kulankan iyo ujeedkiisa.

Sidoo kale, Maayarka magaalada Boorama Mustafe Faarax Qabiile iyo Xoghayaha gobolka Awdal Maxamuud Cabdillaahi oo madasha ka hadlay, ayaa soo dhaweeyay barnaamijkan ay wasaaradda qorsheyntu wado ee ay ka qayb qaadanayaan Ururrada bulshada rayidka iyo Degmooyinka dalku.

Geesta kale, Guddoomiyaha Ururrada bulshada rayidka Somaliland ee Sonsaf Anwar Cabdiraxmaan Warsame iyo Cabdicasiis Kaahiye oo ku hadlayay afka Ururrada caalamiga ah, ayaa waxaa ay si isku mid ah uga warameen barnaamijkan iyo muddadii uu soo socday iyo sida ay uga wada shaqaynayaan Wasaaradda Qorsheynta qaranka.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorshaynta iyo horumarinta qaranka Somaliland Maxamed Cabdillaahi Ducaale oo kulankaasi si rasmi ah u furay, ayaa ka waramay muhiimadda ay leedahay wadatashiga bulshada, ururrada rayidka iyo sidoo kale qaybaha kala duwan ee laamaha dowladda.

Waxaanu agaasimuhu xusay sidii xeerkani u noqon lahaa mid lagu saleeyo waxka bedelkiisa aqoon iyo aragtiyo kala duwan oo ka soo maaxday bulshada qaybaheeda kala duwan.

Hoos ka daawo muuqaalka

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here