Xisbiga WADDANI oo Farriid Adag Hawada u Mariyey Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland

0
978
Xoghayaha Guud ee xisbiga WADDANI Md. Maxamed Cabdillaahi Uurcadde

Xoghayaha Guud ee xisbiga WADDANI oo sheegay in mudanyaasha Wakiilladu doonayaan lacag baad ah oo ay ku banneeyaan kuraasta ay fadhiyeen 13-ka sanno

Hargeysa , (HargeisaPress) —Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa farriin adag hawada u mariyey mudanayaasha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ee kuraasta ku fadhiya muddo dhan 13 sanno, kadib markii la soo doortay sannadkii 2005-kii.

Xoghayaha Guud ee xisbiga WADDANI Md. Maxamed Cabdillaahi Uurcadde oo saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa shalay, waxa uu sheegay in mudanayaasha Golaha Wakiilladu doonayaan in loo qoro lacag baad ah oo ay ku banneeyaan kuraasta si ay u qabsoonto doorashada baarlamaanka iyo Golayaasha Degaanka ee u muddaysan bisha March ee sannadka 2019, haddii Ilaahay yidhaah.

“Waxa kale oo aannu ka hadlaynaa arrinta Baarlamaanka, way soo noqnoqotay, waxaan arkayey rag Baarlamaanka ah oo shuruud ka dhiganaya oo ummadda u sheegaaya, ‘Ilaa lacag loo qoro hawl-gab ah la siiyo ama lacag loo qoro, in aanay meesha bannaynayn.’ Wallaahay, horta aad baannu uga xunnahay ragga dhawr iyo tobanka sannadood joogay, maanta haddii ay lacag ku doonayaan inay kursiga banneeyaan, aad iyo aad baannu uga xunnahay.

Ha ogaadaan waxay ilowsan yihiin oo aannu xasuusinaynaa, ragga Tuka-raq iska diiwaangeliyey ee Badhan iska diiwaangeliyey ee ilaa Saylac iska diiwaangeliyey, ummaddaas labada iyo tobanka sannadood idiin samraysay, kuraasida aad fadhidaan ayey isku diiwaangeliyeen, idinna xoog kumaydaan qabsan ee doorasho ummaddeed baad ku timaaddeen,” ayuu yidhi Md. Maxamed Cabdillaahi Uurcadde.

Waxaannu intaas ku daray; “Qandaraas la idin siinayo, mashaariic la idiin qorayo iyo lacag baad ah oo aad ummadda ka qaadaysanna ma taallo. Waxa aad qabateen waxa ka badnaa wixii ay qabteen Golihii hore ee idinka horreeyey, waa dhab, doorashada la idinku soo doortay waa raggii sameeyey, tii Dawladaha Hoose lagu soo doortay waa kuwii sameeyey, qarankaasi maanta shuruucda uu ku jiro waa raggii sameeyey, mid qudha oo wax loo qoray ma jiro ee ha idin celiyo damiirkiinu, oo dadka kala xishooda laba iyo toban sannadood ayaa wax ummaddi wada leedahay la idin siinayey, oo ka biil qaadanayseen, oo mushaharka la idin siinaayey oo kolba la idiin kordhinayey, inaad maanta tidhaahdaan inta aad makarafoonno soo qaadataan; ‘Ilaa lacag la noo qoro ka tagi mayno.’ Taasina wax la aqbalayo maaha.”

Xoghayaha Guud ee xisbiga WADDANI, ayaa sidoo kale sheegay in aan wax muddo-kordhin ah loo samayn doonin mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, waxaannu yidhi; “Waxa aannu leennahay, waad ka tegaysaan, la idin baryi maayo, haddii aad doonaysaan inaad ku marmarsootaan in muddada la kordhinaya, in badan bay idiin suurtogashay ee maanta idiin suurtogelimayso, ha ku riyoonina, lacag baad ahna shacbiga lagama qaado, maantana ma joogo Madaxweynihii la odhan lahaa; ‘Lacag baad ah na sii.’ Kama filayno inuu Madaxweynuhu taa aqballaayo, wax la aqballi karana ma’aha.

Qof weliba xilka uu hayo, ummadda ayuu u ahaa, mushaharna wuu ku qaataa, maalintay ka dhammaantana albaabkaas ayuu ka baxayaa. Markaynu gaadhno dalalka waaweyn sidooda, in ratareed ummadda loo wada qoro, dee ka mid baad tihiin, laakiin hadda waxaan ummadda la idin siin, la idin siin maayo.

Waxaananu jecel nahay, in aan muddo-kordhin Golaha Wakiilladu aannu isku dayin, oo aannu baayactan isku dayin, xaaraan bay ka tahay in aanay dhacayn muddo-kordhin, xisbiga WADDANI-na marnaba ma aqballayo cid dambe oo loo kordhiyo, waayo dalka ayaa ku baaba’aaya, ummadda ayaa ku baaba’aysa, ummaddana danteeda ma’aha.

Waxa aannu jecel nahay wixii shuruuc ah ee idinku xidhan ee aan iminka diyaar ahayn, inaad si dhakhso ah u diyaarisaan, sannad iyo googo’ ayaa idiin hadhay, intaas waad ku dhammeyn kartaan wax wal oo jira, horena Golaha Wakiilladu doorasho wuu u galay, xeerkiisuna wuu u yaallaa, haddaad dhammeyn waydaan oo fadhiisan waydaan, oo aad diidaan in xeerkaas Golaha Wakiillada hor yaalla aad dhammeystiraan, la idin baryi maayo,  kii hore ee yaallay ayaa lagu galayaa, ka aad ku timaaddaan ayuu ku imanayaa kuwa kale.”

Xisbiga WADDANI, ayaa sidoo kale ka hadlay shirkadda maalgashiga Somaliland ee dhawaan laga diwaangeliyey suuqa saamiyada ganacsiga ee dalka Imaaraadka Carabta, taasoo aasaaskeeda uu khilaaf ka dhashay.

“Si aannu shacbigayaga waxa jira aannu ugu caddayno, waxa aannu jecel nahay in aannu maanta halkan ka caddayno in shirkaadaasi aanay waafaqsanayn shuruucda dalka habayaraatee. Ta labaad: iyadana aannu doonaynaa waxa weeye, in runtii sharcigu uu yahay ka keliya dalka ee shirkad lagu sameyn karo ee dalka lagu dhaqi karo, ee wanaag keeni kara, ee horumar keeni kara. Arrimahaas shirkadduna uu baal-marsan yahay shuruucdii, dastuurkii iyo nidaamkii dalku lahaa oo si cad loogu tuntay oo ay Wasaaradda Arrimaha Dibeddu ay u baal-martay.

Marka la eego shuruucda uu leeyahay ee lagu aasaasi lahaa shirkaddan waa la wada yaqaanaa, waa Xeer No.25/2004 ee ay ummaddani hore u dhigatay oo ahayd in la raaco, kaas oo dhigaya ama ka hadlaya shirkadaha sidee loo sameynayaa uu dalkani leeyahay ama cid kaleba leedahay? Waa sharcigii xukumi lahaa ee uu dalkani leeyahay. Shirkad kasta oo la sameeyo sharci way leeyahay.

Horta marka hore shirkad dibedda laga samayn karaa haba-yaraatee ma jirto, mar labaadka Wasaaradda Qorsheynta ayaa xeer-hoosaad u sameynaysa shirkaddii doonaysa inuu wax sameeyo, waxa la xaddidayaa dhawr arrimood:

Marka hore waa la diiwaangelinayaa, dalka gudihiisa ayaa laga sameynayaa. Wasaaradda Maalgashigu marka ay dhammeystirto xeer-hoosaadkaas ka hadlaya shirkadda waxay u gudbinaysaa Golaha Wasiirrada, kadibna wuu ansixinayaa.

Waxyaabaha uu xeerkaasi ka hadlayo, haddii aan in-yar idiinka sheego tirada hoggaanka ee hoggaaminaysa xeerkaas ayaa sheegaya. Cidda ka mid noqonaysa ee qeyb ka gelaysa, waa kuwee? Wasaaradda Maaliyadda, maxay bixinaysaa? Xeerka ayaa sheegaya.

Waxa kale oo la rabaa inuu xeerku sheego ayaa awood u leh saamiyadaas la qeybsan karo inuu iibin karo? Ciddii awood u leh, ileyn waa shirkad qaran’e, awoodeedii waa  xaddidayaa, waxa la odhanayaa; ‘Ciddaas ayaa u leh.’ Yaa awood u leh inay control-sho shirkaddan? Ileyn, maalgashigii Somaliland lahaa oo dhani ayaa ku soo dhacayee, yaa control-aya, si aannu u noqon meel hantida ummadda lagu boobo? Waxa kaloo la xaddidayaa, weliba cidda kaantaroolaysa ee xeerku sheegayaa inay tahay Wasaaradda Maaliyadda.

Waxa kale oo iyaduna muhiim ah BoD-ka (guddida maamulka sare) yaa noqonaya? Awoodda BoD-ka ayaa dooranaya? Xeerka ayaa sheegaya, waxaas oo dhan, xeer la’aan, sharci la’aan, xeerkii jiray ee shirkaddu lahayd ee xukuumadda iyo dalkani uu lahaa oo la garab maray.

Saddex nin oo Wasaarad ka wada shaqeeya oo mas’uuliyiin qaran ah, Wasiirkii, Safiirkii iyo Xoghayihii baa intay meel fadhiisteen ummadda ku leh; ‘Shirkad baannu sameysanay oo maalgashigii Somaliland oo dhammi annaga ayaa nagu soo dhacayaa.’ Weliba la soo taagan oo aan la xishoonayn, waxaas oo sharci ahina dalka wuu u yaal, horta waa nasiib-darro,” ayuu yidhi Xoghayaha Guud ee xisbiga WADDANI.

Waxaannu intaas ku daray; “Mid aad baannu uga xunnahay oo Wasiirka maanta Arrimaha Dibedda, waxaan is-leeyahay Somaliland aqoonyahanka ugu waaweyn ayuu ku jiraa, waa nin waayo-arag ah, waa nin caalamka in badan ka soo shaqeeyey, waxa laga filayey inuu ictiraaf Somaliland ah keeno. Laakiin, waxa noo muuqata, in isaga oo aan is-ogeyn fartiisii subagga lagu dhuuqay, oo aannu war u hayn meel uu marayo, waxaas oo shuruud ah inuu garab maro nasiib-darro ayaannu u aragnaa, dalkanina waxa uu ku shaqeynayaa ku dhaqanka sharvciga (rule of law), haddii la waayo dal ma jiro, haddii sharciga la ixtiraami waayo, meeshaasi waxa weeye miyigii iyo kaymihii, sharciga ayaa qof kasta ka sarreeya.”

Xoghayaha xisbiga WADDANI, ayaa sidoo kale farriin talo ah u jeediyey Madaxweynaha Somaliland, waxaannu yidhi; “Madaxweyne, waxa aad ku baaqday oo aad ummadda u sheegtay oo ay ummaddu kugu raacday, ‘Inuu sharcigu ka sarreeyo qof walba. Mid mansab haya, nin taajir ah, nin faqiir ah, nin mucaarad ah, nin muxaafid ah, cid walba inuu sharcigu ka sarreeyo.’ Waxa muuqata oo cad in Wasaaraddii Arrimaha Dibeddu sharcigii qarankani uu lahaa ay si cad u baal-martay oo weliba ay la soo taagan tahay.

Waxa aannu Madaxweyne kaa codsanaynaa ama aannu ku leennahay waannu kuu soo jeedinaynaa xisbi ahaan, arrintaas iyo meelaha kale ee shuruucda qaranka la baal-marayo, sharciga ku soo dabbaal, arrintaasna si degdeg ah inaad wax uga qabato ayaannu kuu soo jeedinaynaa.”

Md. Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, ayaa ka hadlay fashilka ku yimmi mashruuci biyaha ee laga waday degaanka Xumbo-weyne ee bariga caasimadda Hargeysa, waxaannu yidhi;

“Waxa kaloo aannu ka hadlaynaa arrinta Xumbo-weyne, waannu ku hambalyeynaynaa Wasiirka Biyaha Md. Saleebaan Cali Koore oo sida badheedhka ah ee uu u yidhi; ‘Biyo Hargeysa idiin ma soo socoto.’ Waannu ku hambalyeynaynaa, laakiin, mid waan ka xummahay oo biyo nooma soo socoto noo sheegtay, dadkii biyaha Hargeysa cunay iyo ciddii cunay ayaa sheegaya ee lagu sugayaa? Adigaa lagaa sugayaa.

Waxa fiican in aad faahfaahiso sababta ay arrintaasi ku dhacday, maadaama aad soo caddeysay in aan Hargeysa biyo loo soo wadin, ciddii weecsatay Xumbo-weyne, hantidii la innoogu deeqay waa in ummadda loo caddeeyo. Wasiir, ummaddii waxay sugaysaa in aad u caddayso, maadaama oo aad tidhi; ‘Wuu fashilmay.’ Annagu fashilka waxa aannu u naqaanaa Inqilaab, dee horta qoladii ciidammadu way fahmayaan markaad tidhaahdo; ‘Wuu fashilmay.’ Laakiin, afkii shacbiga nagula hadal oo Wasiir, maxaa fashilmay? Waxaad tidhaahdaa, waxaas iyo waxaas ayaa la cunay, ciddaas ayaa cuntay, sidaasaa loo cunay. Taannu kaa rabnaa waa taa.

Laakiin, qoladii xeradda ku jirtay ee ciidammada way fahmeen markaad tidhi; ‘Wuu fashilmay.’ Annagu shicib ahaan waxa aannu u baahannahay faahfaahin intaa ka badan, aadna waannu kuugu hambalyeynaynaa sida cad ee aad u sheegtay in aanay ummaddani biyo u soo socon, laakiin Insha Allaahu Hargeysa biyo ma waayeyso, biyo way helaysaa.

Mashruucaasina waxa uu ahaa mashruuc la innoogu deeqay oo weliba la innagu caawiyey, haddii aynu garan weyno mashruuca la innagu caawiyey iyo ka aynu innagu dhisanayno, inuu ka qiimo badan yahay ka la innagu caawiyaa, illeyn waynu baryo tagnee oo weliba illaalin weyno, oo qofkii weeciyey aynu xisaabin wayno, ugu noqon mayno.

Markaa waxa aannu jecel nahay in arrintaas xukuumaddu dabagasho, degdegna tallaabo looga qaado, ummaddana loo caddeeyo ummaddaas dhammi waxay ku biyo-weyday iyo waxa sabab u ah, maadaama loo soo gurmaday oo la innoogu deeqay.”

Jamhuuriya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here