“Xisbiga WADDANI markii cadowgu isu-keen soo raacay, ninkii Qaranka-khiyaameeyay wuxuu ahaa…”

0
2662

Sabo-wanaag (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa maanta gaadhay degmada Sabo-wanaag ee gobolka Maroodi-jeex.

Madaxweynaha iyo weftigiisa, ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay shacabka degmada Sabo-wanaag, odayaasha dhaqanka deegaanka iyo masuuliyiinta degmada.

Madaxweynah oo khudbad u jeediyay shacabka degmada Sabo-wanaag, ayaa eedaymo culus u jeediyay Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.

Wuxuu sheegay in Xisbiga Waddani markii cadowgu isu-keen soo raacay, ninkii qaranka khiyaameeyay uu ahaa Guddoomiyihii ay u doorteen golaha Wakiillada.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa wuxuu sheegay in weli aan la maqal meel uu xisbiga Waddani isaga beri yeelay ninkaa kha’inul wadanka ahaa ee Cabdirisaaq Khaliif.

“Xisbiga WADDANI markii cadowgu isu-keen soo raacay, ninkii Qaranka khiyaameeyey wuxuu ahaa guddoomiyihii ay u doorteen Wakiillada, welina maynaan maqal meel uu xisbigaasi isaga beri yeelay ninkaa kha’inul wadanka ahaa” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here