Xisbiga Wadani Oo Munaasibad Casho Sharaf Ah Ku Maamuusey Qurbo Jooga Xisbigaasi + SAWIRRO

0
1005

Hargeysa, (HargeisaPress) — Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Wadani Ayaa Waxaa Uu Habeenkii Xalay Ahaa Xaflad Casho Sharaf Ah Ku Maamuusey Qurbo Jooga Xisbigaasi Ee Ku Nool Dalalka Dibada .Xafladan Oo Aheyd Mid Aad Loo Soo Agaasimay Ayaa Waxaa Ka Soo Qeyb Galay Gudoomiyaha Xisbigaasi , Gudoomiye Ku Xigeenka Xisbigaasi , Xildhibaano , Masuulyiin Ka Tirsan Xisbiga Wadani , Haween , Dhalinyaro  Iyo Dadweyne Kale .

2(486)

Ugu Horeyn Waxaa Munaasibadaasi Ka Hadlay Xoghayha Guud Ee Xisbiga Wadani Maxamed Cabdilaahi Uur Cade Waxaana Uu Sheegay In Xisbiga Wadani Uu Ixtirimaad Weyn U Hayo Qurbo Jooga Dibada Isla Markaana Ay Yahiin Qaar Kaalin Weyn Xisbiga Kaga Jira .

Sidoo Kale Waxaa Iyaguna Madasha Kalmado Kooban Ka Yidhi Masuulyiin Kale Sida Marwo Fadumo Siciid , Gudoomiyaha Qaar Ka Mid Ah Wadama Dibada Ee Xisbiga Wadani  Waxaana Ay Dhamaantood Xuseen In Xisbiga Wadani Hadii Ay Yahiin Qurbo Jooga  Dibad Ay Hiil Iyo Hooba La Garab Istaagi Doonan .

5(371)

Gudoomiyaha Dalka UK Ee Xisbiga Wadani Xussen Aadan Cade Oo Isna Madashaasi Kalmado Kooban Ka Yidhi Waxaa Uu Tilmaamay In Xukuumada Maanta Talada Haysa Marxalada Marayso Ay Ka Xuntahay Tii La Maraayey 1991 Marii Dalka La Soo Galay Isla Markaaana Ay Tahay Mid  Nasiib Daro Ah .

8(267)

Gabo Gabadii Waxaa  Madasha Hadalo Kooban Oo Mahad Naq Ah  Madasha Ka Yidhi Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi Ciro Waxaana Uu Carabka Ku Adkeeyey In Xisbigu Aanu Gudi Kareen Abaalka Uu U Hayo Qurbo Jooga Isla Markaana Aan Xafladan Iyo Wax  La Mid Ahba Lagu Gudi Karin  Abaalkooda Balse Ay Tani Ka Turjumeyso Uun In Loo Ogyahay Tacabka AY Xisbiga Galiyeen Waxaaana UU Yidhi “ Waxaan Aan Marka Hore Halkan Ka Salamayaa Qurbo Jooga Xisbiga Wadani Ee Caawa Aynu Xafladan U Qabanay Waxaan Halkan Ka Sheegay aIn Abaalka Aanu Idiin Heyno Uu Yahay Mid Baladhan Marka  Laga Eego Tacabka Badan Ee Aad Galiseen Xisbiga Wadani .

19(71)

Xafladana Ma Ah Mid Aanu Abaalkiina Ku Gudi Karno Balse Waxaa Aanu Idiin Tuseynaa Uun In Aanu Iidin Oganahay Abaalka Aad Xisbiga U Gasheen “ Ayuu Yidhi Gudoomiye Ciro .

12(179)

Ugu Danbeyntii Waxaa Uu Gudoomiyuhu Halkaas Uu Shahaadoouin Ku Gudoonsiiyey Saddex Shaqasi Oo Xisbiga Wadani Ku Maamusey  Waxaana Ay Kaa Yahiin Gudoomiyaha Xisbigaasi Ee Dalka Uk Xussen Aadan Cade  , Ninkii Keenay  Fikirka La Afur Xisbiga Wadani Oo Ku Nool Dalka Canada Laguna Magacaabo Anwar , Iyo Inanta Lagu Magacaabo Layla Oo Iyadu Ahyed Shaqsigii Dhamaan Gobalda Waa Weyn Ee Dalka Ka Soo Fulisay La Afur Xisbiga Wadani .

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here