Hargeysa (Hargeisa Press)- Xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE, ayaa waxaa uu maanta shir ballaadhan ku yeeshay xarunta dhexe ee xisbiga ee magaalada Hargeysa.
Shirka, ayaa waxaa isugu yimid oo ka qayb galay hoggaanka xisbiga KULMIYE, xubno Guddiga Fulinta ah iyo qaybo ka mid ah hal-doorka xisbiga.
Sidoo kale, Shirkad oo qaatay muddo saacado ah, ayaa waxaa shir-guddoominayay, isla-markaana hoggaaminayey Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed.
Shirka, ayaa waxa lagaga wadahadlay arrimo kala duwan oo la xidhiidha xisbiga, xaaladaha dalka, iyo qaabka uu xisbigu u waajahaayo mucaaridnimada Xukuumadda talada haysa.
Qodobada ugu waaweyn ee masuuliyiinta iyo xubnaha ka qaybgalay ay sida wayn u falanqeeyeen waxa ka mid ahaa:-
1. Xaaladaha siyaasadeed ee dalka Somaliland ku jiro iyo kaalinta kaga aaddan xisbiga KULMIYE inuu ka qaato.
2. Qaabka xisbigu u gudanayo mucaaradadiisa, iyadoo mar walba xoogga la saarayo sidii horeba loogu yaqaanay xisbiga KULMIYE ilaalinta Qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland.
3. Arrimaha xisbiga KULMIYE ee la xidhiidha hawl-maalmeedkiisa, abaabulka iyo dardargelintiisa, iyadoo la isla qaatay in la sameeyo daraasado si cilmi ah loo diyaariyo oo xisbigu ku hawlgeli doono.